“Sergio Ramos Barcelona Ayaan Gayn Lahaa, Waxa Uu Naga Caawin Lahaa Ku
Halyeeyga kooxda Barcelona ee Samuel Eto’o ayaa ku baaqay inay kooxdiisii hore la saxeexato halyeeyga kooxda ay cadaawada weyni kala dhaxayso ee Sergio Ramos kaas oo la xaqiijiyay inuu hubaal ka tagayo kooxdaas xagaagan.Real Madrid ayaa shaacisay inay kooxda ka fasaxday Ramos waxaana lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo ay ugu cad cadahay Paris Saint-Germain.Laakiin Eto’o oo ah ciyaaryahan usoo wada ciyaaray labada kooxood ee ugu waaweyn Spain ayaa qaba inay tahay in Barca ay saxeexa Ramos samayso marka uu ka hayaamo Madrid…