Xog: Halka lagu bixiyey lacagtii mushaarka shaqaalaha maamul…

Muqdisho (Axadle) – Iyadoo maanta ay bisha mareyso 27-ka June ayaa wali waxaa mushaarka bishii hore ee May qaadan qaar kamid ah shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar, waxaana soo baxaya qeyla dhaan xoog leh oo ay dirayaan shaqaalaha mushaarka ka maqan yahay. 

Shaqaalaha Maamulka Gobalka Banaadir ee ku qoran Xafiisyada Arrimaha Bulshada iyo Duqa ayaa wali helin mushaarkooda, waxaana la sheegay in qaarka kalane ay haleen laba maalmood ka hor. 

Sababta mushaarka shaqaalaha Gobalka Banaadir bishaan qaar uga soo daahay qaarna ay weysan yihiin ayaa xog aan helnay ay sheegeysaa inay tahay in lacagtii Maamulka Gobalka Banaadir ee dakhliga aheyd loo isticmaalay diyaar garowga toddobaadka Xorriyadda Soomaaliya. 

Guddoomiye Cumar Filish ayaa qeyb ka ah guddiga qaban qaabada iyo diyaar garowga todobaadka Xorriyadda ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana sidoo kale loo sheegay in wixii kharash ah uu ka dabaro guddiga qaban qaabada todobaadka xorriyadda Soomaaliya. 

“Dhaqaalaha Gobalka Banaadir soo gala oo aad u yaraa ayaa haddane waxaa la amray in wixii kharash ah ee ku aadan diyaar garowga todobaadka xorriyadda uu gobaolka bixiyo,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha maamuliyadda ee Gobalka Banaadir. 

Inkastoo aysan warbaahinta la hadli karin shaqaalaha maamulka Gobalka Banaadir ee wajahaya mushaar la’aanta ayaa hadane waxaa jirto ay muujinayaan qeylo dhaan badan, islamarkaana ay qaarkood sheegeen in culeesyo dhinaca qoyska ay heystaan. 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More