Puntland State oo fulisay mid ka mid ah yoolasheeda sifeynta
Gaalkacyo (Axadle) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa ka hadlay toogasho ay Puntland saaka ku fulisay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay horey u xukuntay maxkamadda ciidamada maamulkaasi.
Guddoomiyaha ayaa marka hore soo dhoweeyey toogashadan oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo, laguna fuliyey illaa 18 xubnood oo ahaa shabakad isku xiran oo Shabaab ah, laguna eedeeyey inay dad badan ku dileen gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
“Waxaan hada ku fulinay Xukunkii…