Miyuu Xulka Belgium Caawa Si Gaar Ah U Eegan Doonaa Cristiano Ronaldo?

Tababaraha xulka qaranka Belgium ee Roberto Martinez ayaa ka hadlay haddiiba ay leeyihiin qorshe gaar ah oo ay ugu talo galeen inay caawa kaga hor tagaan hoggaamiyaha xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Ronaldo ayaa noqon doona markale ciyaaryahanka hoggaanka u ah Portugal balse tababare Martinez ayaa sheegay inaysan awooda saari doonin isaga oo ay si isku mid ah u ilaashan doonaan dhammaan 10-ka xiddig ee aan goolhayaha ka ahayn.

Macalin Martinez ayaa yidhi isaga oo arrimahas ka faalo bixinaya “Marka aad qorshe u dajiso ciyaartoy gaar ah, waxa ku dhaawici kara ciyaartoyda kale”

“Qaabka ay Portugal u ciyaarto halis badan ayay ku leedahay, waxay leeyihiin orod badan oo ay weerar rogaal celis ah ku qaadaan”

“Dabcan Cristiano Ronaldo waxa uu u muuqdaa ciyaartoyga hela wakhtiga saxda ah, baaska saxda ah iyo fursada saxda ah waana inaad markasta ka warqabto, laakiin waa inaad difaacdo 10-ka ciyaartoy ee gudaha garoonka ku jira ee Portugal adigoo si isku mid ah u qiyaasaya”

Dhawaan ayay ahayd markii Ronaldo uu jabiyay rekoodhka abid gool dhalinta kulamada caalamiga ah ee uu haystay halyeeyga ree Iran ee Ali Daei isaga oo 109 gool gaadhay kaddib laba rigoore oo uu shabaqa xulka France la gaadhay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More