Kooxaha Premier League Ee Sida Lama Filaanka Ah Hoggaanka Ugu Qabtay
Arsenal ayaa si lama filaan ah u noqotay kooxda hoggaaminaysa tartanka loogu jiro kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson oo usbuucan horraantiisii uu mustaqbalkiisu sugnaan la’aan iyo shaki ku yimid.Henderson oo 31 jir ah ayaa Liverpool kaga soo biiray Sunderland sannadkii 2011kii, waxaana uu ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda, iyadoo uu bandhiggiisii ugu muhiimsanaana sameeyey intii uu Jurgen Klopp kooxda joogay.Laacibkan ayaa kabtanimada Liverpool loo dhiibay markii uu Steven Gerrard soo gabogabeeyey…