Khabiir Paul Merson Oo Magacaabay Afarta Kooxood Ee Horyaalka Premier

Khabiirka ciyaaraha aee Paul Merson ayaa magacaabay afarta kooxood ee horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan ku dagaallami doona, kuwaas oo ay midkood calfan doonto.

Manchester City oo saddex jeer ku guuleysatay horyaalka afar sannadood gudahood ayaa raadinaya in wacdarihii xilli ciyaareedkii hore oo kale ay dhigto, kaas oo ahaa in aan laga badinin 27 ka mid ah 38kii ciyaarood ee xilli ciyaareedka, isla markaana ku dhamaysatay iyadoo 12 ka horreysa kooxa kusoo xigtay ee Manchester United.

Sidoo kale, Red Devils oo horumar badan samaysay xilli ciyaareedkii u dambeeyey ayaa iyaduna dhinaceeda ka doonaysa inay horyaalkeedii ugu horreeyey raadsato tan iyo sannadkii 2013kii. Liverpool ayaa sidoo kale horyaalka Premier League u halgami doonta kaddib sannad dhaawacyo tiro badan wiiqeen oo ay ku dhamaysatay kaalinta saddexaad.

Chelsea ayaa iyaduna awood muujisay bilihii uu xilli ciyaareedkii hore hoggaamiyey Thomas Tuchel, waxaanay ku guuleysteen Champions League iyagoo kaalinta afraad soo galay.

Paul Merson oo waqtigii uu ciyaartoyga ahaa ka tirsanaan jiray Arsenal iyo xulka qaranka England ayaa dhiibtay saadaashiisa xilli ciyaareedka 2021-22 ayaa rumaysan in afarta kooxood ee sare ku xusan ay yihiin kuwa uu midkood horyaalka hanan doono, dhibcaha lagu kala qaadi doonaana noqon doonaan kuwo isku dhow marka loo eego xilli ciyaareedyadii hore.

Merson oo warbaahinta la hadlay ayaa yidhi: “Iyadoo uu soo dhow yahay xilli ciyaareedka 2021-22 ee Premier League, waxa aan si xooggan u aaminsanahay in uu kani ka adkaan doono xilli ciyaareedyadii u dambeeyey.

“Manchester City, Manchester United, Liverpool iyo Chelsea ayaa dhamaantood ku guuleysan kara horyaalka – waa dagaal afar kooxood ku loollamayaan horyaalka, mana filayo in midkood ay farqi dhibco badan oo tiro-laba god ah ku qaadi doonto.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More