Ku dhowaad 100 ruux oo hal maalin ku geeriyootay
Gaarisa (Axadle) – Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa haatan fara ba’an ku haya cudurka saf-marka ah ee Covid-19, kaas oo markale ka dilaacay dalka Kenya, waxaana sii kordhaya dadka uu soo ridanayo xanuunka & kuwa u dhimanayo.
Saraakiisha caasimaadka ee gobolka jooga ayaa shaaca ka qaaday in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay dhimashadu gaartay ku dhowaad 100 ruux oo u geeriyooay cudurka Covid-19, kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo dad da’ ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadku.
- Advertisement -
Sidoo kale bukaano uu haleelay cudurka ayaa la dhigay goobaha caafimaadka ee magaalada Gaarisa, kuwaas oo haatan wajahayo xaalado adag.
Wasiirka caafimaadka ee is-maamulka wuxuu sheegay in aanay jirin feejignaan dheeri ah iyo dadaal ay dowladda Kenya ku bixineyso ka hortagga cudurka Coronavirus, taas oo uga sii dareyso xaaladda jirta, isla-markaana kor usii qaadi karto saameynta cudurka Covid-19.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shalay oo kaliya la baaray illaa 16,938-ruux, isla-markaana xanuunka laga helay 1846 qof, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaadka.
Maamulka Gaarisa ayaa dhinaca kale baaq deg-deg ah u diray xukuumadda Nairobi, iyaga oo ka dalbaday inay u soo gurmato, maadaama Gaarisa ay noqotay meesha ugu daran ee cudurka, loona baahan-yahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo shacabka.
Si kastaba Kenya ayaa wajaheysa xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah, maadaama nuuca cusub oo Covid-19 ah laga diiwaan-geliyay magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.