Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Ciidamada DFS oo weeraray ilaalo uu heystay Gen. Xuud. –

Duleedka Magaalada Baladweyne waxaa lagu weeraray Ciidamo u heysto Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer Xuud oo todobaadkii lasoo dhaafay labo jeer baajiyay safar Hogaamiyaha Hir-Shabeelle uu ku tagi lahaa Xarunta Gobolka Hiiraan. Ciidamo hubeysan oo la diyaariyay saacadihii lasoo dhaafay ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay sameysteen Ciidamada la safaran Xuud, waxaana dhexmaray iska hor imaad sababay in ay dib u gurtaan askarta la weeraray. Xuud ayaa heysta ciidamo la saftay…

“Dadkaan Cidna uma maqna Ceelna uma qodna ee hurdada halaga

Xildhibaan Mahad Salaad Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa Facebook waxa uu uga hadlay qaraxii ka dhacay Maqaaxi ku taalla Magaalada Muqdisho ee sababay dhimashada, dhaawaca & khasaaraha maaliyadeed. Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu qoraalkiisa kusoo bandhigay falcelinta Dowladda Federaalka, waxa shacabka Soomaaliyeed la gudboon & Dhalinyarada oo dhibaatada ugu badan dalka la kulanta. Mahad Maxamed Salaad ayaa tacsiyeen kadib waxa uu…

“Deynta Cafinta Soomaaliya meel wanaagsan ayay mareysaa”

Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo faah-faahin ka bixiyay qorshaha deyn cafinta Soomaaliya iyo dadaalada kala duwan ee socda ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso howsha lacag dhaafka ah. Dowladda Faransiiska ayuu sheegay Wasiir Bayle in ay cafisay lacag dhan $306 milyan oo ay Soomaaliya ku lahayd waqti dheer, balse ugu dambeyn wada-xaajood lala galay uu sahlay in lacagtaas ay dhaafto Xukuumadda Paris. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale…

Odoyaasha Koofur Galbeed oo ka digay Xasilooni darro ka

Magaalada Baydhabo waxaa ku kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed & Odoyaasha dhaqanka DG Koofur Galbeed si uu ugu bandhigo Ololihiisa doorashada 20/21. Odoyaasha dhaqanka ayaa dhankooda Shariif Sheekh Axmed la wadaagay welwelka ay ka qabaan hadallada xanafta leh oo ay is dhaafsanayaan Dowladda Federaalka & Musharixiinta Hogaamiyaha 20/21. Waxgaradka ayaa ka digay foodo iyo kala dambeyn la’aan ka dhalata Doorashada 20/21 in dalka loo horseedo,…

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay

Qarax uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa xalay fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Maqaaxida Jalaato Devino oo ku taalla wadada isku xirta KM4 & Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyay 8-qof oo dhalinyaro ah ayaa ku dhimatay qaraxa, halka ay dhaawacmeen 10-ruux oo la geeyay Goobaha Caafimaadka si loo daweeyo, sida Axadle ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal. Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo Warbaahinta kula…

Bixitaanka Askarta Mareykanka ee Soomaaliya oo fursad u

Sida uu daabacay Wargeyska Foreign Policy, tallaabada Hogaamiyaha xilka ka degaya Mareykanka ee Donald Trump uu Soomaaliya ugu saarayo Ciidamada ka jooga waxa ay fursad u noqon kartaa Shiinaha & Ruushka oo tartan dhanka Militariga & ganacsiga uu ka dhaxeeyo. Wargeyska waxa uu sheegay in bilawga Bishaan November 2020 uu Trump go’aansaday dhaqangelinta go’aanka Askarta Mareykanka ee Soomaaliya in uu ka saaro kahor inta uusan xafiiska wareejin. Waxaa la fahamsan yahay in…

Dagaalka Tigray oo laga cabsi qabo in uu dhaliyo Jabhado

Ciidanka Ismaamulka Tigray Waxaa daba-dheeraaday dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya & kuwa Tigray, inkasta oo Xukuumadda Abiy Ahmed aysan si buuxda u gaarin hadafkeeda ah in ay gacanta ku dhigto xoogga TPLF. Abiy Ahmed ayaa labo jeer fursad min saddex cishe ah siiyay hoggaanka TPLF, balse ilaa haatan ma jiro mas’uul ka faaiideystay oo iska dhiibay dhanka Tigray si uu u maro dhanka Dowladda Federaalka. Raysul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in wajiga…

Kenya oo xirtay Rakaab sameystay Shahaadada Covid-19 oo been

Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) waxaa lagu xiray 17-ruux oo rakaab ah, kadib markii lagu helay in ay sameysteen shahaadada Caafimaadka Covid-19 oo been abuur ah. Dadkaan ayaa lagu ogaaday kadib markii warqadaha ay wataan la mariyay qaybta hubinta (Scan), balse Dhuuxa hoose ee warqaddda caddeyneysa in ay tahay iyo in ay been abuur tahay laga waayay shahaadooyinkii Caafimaad ay wateen. Warbaahinta Kenya ayaa tabisay in Wasaaradda Caafimaadka…

DG Puntland & Galmudug oo iska kaashanaya Amniga & Sarifka.

Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug ee DG Puntland & Galmudug oo ay wehliyaan maamulka Magaalada Gaalkacyo oo Koofur & Waqooyi ugu kala qaybsan labada Dowlad Goboleed ayaa fadhi ka yeeshay arrimo kasoo kordhay Gobolkaas. Waxyaabaha miiska saaran oo ay is tusiyeen mas’uuliyiinta Puntland & Galmudug waxaa kamid ah: Sugidda Amniga oo muhiim u ah xasiloonida Gobolka, Sarifka lacagta oo  sare kac qiimaha Maciishadda Sababay & la dagaalanka ka gacansiga Walxaha maanka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More