Browsing Category
Somalia
Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.
Xildhibaanada Galmudug kumetela Baarlamaanka oo saluugsan
MW DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye
Xildhibaan Mahad Maxamed Maxamed Salaad oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto dowlad-goboleedka Galmudug ayaa saluugay habdhanka madaxweynaha maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye qoor qoor ee arimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Mahad Salaad ayaa sheegay in madaxwynaha Galmudug Qoor qoor uu ku mashquulsanyahay socdaalka uu ku tago Turkiga, magaaladda Muqdisho iyo Xafiiska agaasimaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir,…
Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka dadaban oo soo
Guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafaadka ee ay soo magacaabeen Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleeyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo tababar mudooyinkii dambe uga socday magaaladda Muqdisho ayaa soo saaray bayaan ay ka hadlayaan waxyaabaha u qabsoomay mudooyinkii shirku u socday.
Guddiga doorashooyinka waxay codsadeen in si degdeg loogusoo biiriyo xubnaha ka dhiman, ka hor inta aan la gaarin doorashada Guddoomiyaha guddiga doorashada iyo…
Jubbaland oo aan diyaar u ahayn magacaabista guddiyadda
Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Dowlad-goboleedka Jubaland oo villa-Somalia u aqoonsantahay maamul KMG ah ayaan diyaar u ahayn in uu soo magacowdo xubnaha ku metalaya guddiyadda doorashooyinka 2021 inta heshiis laga gaarayo qadiyadaha la isku hayo oo ay ugu wayntahay arinta gobolka Gedo, sidda uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.
Sayid Aadan oo qodobada la isku hayo ku qeexay ciidamadda Dowladda Faderaalka ka jooga gobolka Gedo ee…
Deni ma uga daray Muranka ka taagan lacagta mise wuu u
Hogaamiyaha DG Puntland ayaa xalay soosaaray amar dhaqangalaya isla maanta oo ah 1da Deseembar 2020, kaas oo ku saabsan in Canshuurta maamulkaas lagu qaado Doollar, halka horay Ganacsatada ay u bixin jireen Shillin Soomaali, maadama Jah-wareer uu ka dhashay sarifka & isticmaalka lacagta.
Ganacsatada waaweyn ayaa diidan qaadashada kunka shillin Soomaaliga, halka kuwa yar yar kasoo ay kasoo horjeedaan lacagta Doollar, sabab la xiriirta welwel ay ku muujinayaan isbadalka…
Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab oo Dhaqdhaqaaq Ciidan kawada
Deegaanno u dhaxeeya Camaara & Bacaadweyn ee Gobolka Mudug waxaa dhaqdhaqaaq Ciidan kawada Ciidamada Dowladda Federaalka & Al-Shabaab oo dhowr jeer ku dagaalamay tan iyo shalay.
Saraakiisha Ciidamada qaybta 21-aad ee Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dileen xubno katirsan Al-Shabaab oo ay soo bandhigeen Maydadkooda, halka ay ka qaateen hubkii ay wateen, Shabaab sheegatay in ay dishay 53-Askar, isla markaana ay gacan ku dhigtay Gaadiid dagaal.…
Dhaqangelinta Jadwalka Doorashada 20/21 oo markale dib u
Sawirka Hogaamiyayaasha DFS & DG ee la qaaday 1-da Oktoobar 2020
Jadwalka Doorashada 20/21 oo Hogaamiyayaasha DFS & DG ay ku heshiiyeen 1-da Oktoobar 2020 uma hirgelin sida la rabay marka la eego sida ay u kala horeeyaan Shaqooyinka oo waqti ku filan la siiyay balse caqabado ay hareeyeen.
Maanta oo ah 1-da Deseembar 2020 waa 10-Cishe ee loo qorsheeyay in lagu soo doorto Kuraasta Golaha Sare BFS 2020/24, iskaba dhaafee in la qabto howshaas waxaana la dhameystirin guddigii…
Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle oo oo ku baxay
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DG Hir-Shabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan si uu qayb uga qaato xalinta caqabadda hortaagan safarka Hogaamiye Cali Guudlaawe ee Magaaladaas.
Socdaalka Hogaamiyaha waxaa hortaagan Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer Xuud, kadib markii uu sheegay in uusan ku qancin doorashada Hogaamiye ee DG Hir-Shabeelle oo uu damac ka lahaa.
Todobaadkii tagay labo jeer…
Laamaha ammaanka DG Jubbaland oo Dad u xiray Dil ka dhacay
Magaalada Kismaayo waxaa xalay fiidkii koox hubeysan ay ku dishay AUN Dr. Yuusuf Axmed Gaacaiye oo kamid ah dhaqaatiirta caanka ah ee xarunta Gobolka Jubada Hoose oo dhanka kale Caasimad KMG ah u ah DG Jubbaland.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda V-Afmadoow ee Magaalada Kismaayo gaar ahaan Xarun Caafimaad uu lahaa Marxuumka sida ay Axadle u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka Magaaladaas.
Kooxda dilka geysatay ayaa isaga tagtay goobta kahor inta aysan gaarin Ciidamada Nabadsugidda DG…
Midowga Musharixiinta 2021 oo war kasoo saaray Xaaladda
Ridwaan Xirsi Maxamed Afhayeenka Madasha ay ku mideysan yihiin Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya 20/21 ayaa faah-faahiyay wajiga labaad ee Shirkooda uu ku saabsan daba-galka qodobadii ay ku heshiiyeen 28-ka November 2020 & la kulanka dhinacyada aysan horay ula fadhiisan.
Musharixiinta ayaa ka digtay dhibaatooyin horleh oo ka dhaca Deegaannada DG Jubbaland, isla markaana la dhageysto dalabka kasoo yeeray hoggaanka maamulkaas oo ah in Ciidanka Dowladda Federaalka laga…
Deni oo amar ku bixiyay laga bilaabo 1-da Deseembar 2020 in
Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya sicir bararka, isbadalka sarifka doollarka iyo cabashada Ganacsatada ayaa kulmay guddiga loo xilsaaray wax ka qabashada arrintaas.
Deni ayaa soosaaray amar ah in laga bilaabo 1-da Deseembar 2020 oo ku beegan Berri oo Talaado ah canshuurta gaar ahaan Dekedda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari loo badalo Doollar, halkii Shillin Soomaali lagu qaadi jiray.
Sababta waxa uu Hogaamiye Deni ku sheegay in Guddiga uu la kulmay…