Browsing Category
Somalia
Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.
Askar Keenyan ah oo lagu waayay weerar Al Shabaab ku qaadeen
Askari ka tirsan Booliska Kenya ayaa lagu waayay mid kale waxaa kasoo gaarey dhaawac kadib markii xero lagu magacaabo rondo oo ay degaanka Faafi ee gobolka Garissa ku lahaayeen ciidanka Kenya ay weerareen xooggaga hubaysan ee Al shabaab.
Runo Bunie, taliyaha bileyska Waqooyi-Bari, ayaa u sheegay warbaahinta in iska-hori-imaadka uu socday ku dhowaad tobban daqiiqo oo uu socday dagaal toos ah.
Dablayda weerarka soo qaadey ayuu sheegay in ay tirro badnaayeen ayna ka baxseen goobta…
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digay in Jubbaland dowladdu
Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ahna musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Hogaamiye Farmaajo cadaadis culus ku haayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo tilmaamay in uu ka doonayo in Rooble ku dhawaaqo in deegaanka Jubbaland uu cadaw heysto.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayaa ka digey in loo aqoonsado Jubbaland meel uu cadow haysto, inkastoo uusan soo…
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Gobolada Waqooyi oo soo saaray
War saxaafadeed ay ku saxiixan yihiin illaa 47 Xildhibaan ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa waxay ku sheegeen in Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi “aanu ku matalin Xildhibaannada labada Gole hadalada iyo qoraalada uu ka soo saarayo, kuna duriyo dhismaha Guddiyada doorashada”.
Sidoo kale waxa ay bayaankooda ku caddeeyeen in dhismaha Guddiyada doorashada loo maray hab waafaqsan heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen…
Yuusuf Garaad oo loo magacaabay Ergayga Geeska Afrika, Badda
Hogaamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ugu magacaabay Danjire Yuusuf-Garaad Cumar in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed u qaabilsan Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee arimaha dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraalka soo baxay madaxtooyada loogu magacaabay ergayga gaar ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed u qaabilsan Soomaaliya, waxana wareegtada…
Qaramada Midoobay oo heshiis la gashay Itoobiya si gargaar
Caruur Itoobiyaan ah oo ka soo qaxay Tigray-ga oo sugaya in cunto loogu qaybiyo bakhaar hortiisa ku yaal xerada soogalootiga ee Um Raquba ee Gadaref, bariga Suudaan
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay heshiis la saxiixatay dowladda Itoobiya si loogu oggolaado in gargaar bani’aadamnimo “oo aan la carqaladeyn” loo gaarsiiyo gobolka Tigree ee xasaradu ka taagan tahay, ugu yaraan qaybaha hoos yimaada dawladda federaalka, wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sidaasi warisay…
Taiwan & Gobaladda Waqooyi oo kala saxiixday heshiis ay iskaga
Wakiilka ugu sareeya Taiwan ee Gobaladda Waqooyi Allen Lou iyo sii hayaha wasiirka arimaha dibada iyo caalamiga ah ee Gobaladda Waqooyi Liibaan Yuusuf Cismaan oo heshiis ku kala xixiixday Hargaysa 1 December 2020.
Dawladda Taiwan ayaa hawlgal farsamo ka bilawday Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Gobaladda Waqooyi Talaadadii iyadoo diirada lagu saaray iskaashiga labada dhinac ee caafimaadka, tikniyoolajiyadda iyo beeraha, sida uu sheegay xafiiska wakiilka…
Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay Sababta ay u kala
Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Abuukar Dubbe oo Warbaahinta u qabtay Shirjaraaid ayaa faah-faahiyay xiriirka Soomaaliya & Kenya, isaga oo eedeyn aan xad lahayn la dul istaagay Xukuumadda Nairobi.
Dubbe ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhowrto derisnimada, xiriirka & madax bannaanideeda, balse iyada aysan ilaalin, taas badalkeed ay ka shaqeyso safar ku dhibista Shacabka Soomaaliyeed iyo in ay sandullo ku maraan Wajeer.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in…
Golaha Shacabka oo aan kulan yeelan 15-Cishe, haddaba maxaa
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa 24-kii October 2020 xili Kalsoonida la siiyay Xukuumadda Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble Xildhibaannada kahor sheegay in uusan jirin waqti ay fasax ku qaataan si loosoo gaba-gabeeyo kalfadhiga 7-aad, muddo kadibna la furo kalfadhigooda 8-aad.
Afhayeenka Golaha Shacabka ayaa sheegay in 26-ka October 2020 oo ah maalin kadib shaacinta go’aankaas in uu furmay kalfadhigooda 8-aad, sababtu waxa uu ku…
“Shabaab waxa la dagaalamay waa dadka Deegaanka”
Axmed Daahir Macalin Guddoomiyaha Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay deegaankaas uu sababay dhimasho, dhaawac & Gaadiid ay qaateen Al-Shabaab.
Waxa uu qiray Gaadiidka ay soo bandhigtay Al-Shabaab in ay ku qabsatay intii uu socday Dagaalka ka dhacay Deegaankaas, waxaana uu tilmaamay in meel ka baxsan Magaalada ay si kedis ah uga wateen Gaadiidkaan.
Guddoomiye Axmed ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 10-qori oo ah…
“Shabaab ayaan ka xorreynay Gedo, Balse DFS ayaa naga
Hogaamiye ku xigeenka DG Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlay Xaaladda Gobolka Gedo ayaa sheegay in marxalad adag loosoo maray sidii looga saari lahaa Al-Shabaab kahor inta aysan soo gelin Gacanta Maamulka.
Sayid Aadan ayaa sheegay in dhammaan shaqsiyaadka ugu caansan Gobolka Gedo gaar ahaan Maamulka, Siyaasiyiinta, Odoyaasha iyo kuwo kale ay haatan joogaan Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah DG Jubbaland.
Dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay in ay abaabushay qabsashada…