Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Deni & Madoobe oo diiday ka qaybgalka Shirka Madasha

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u xaqiijiyay in si iskood ah ay u joojiyeen safar Muqdisho lagu waday in ay kusoo gaaraan Madaxweynayaasha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe & Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ay qayb uga noqdaan Shirka Madasha Soomaaliya & Saaxiibada Caalamka. Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu Berri oo Isniin ah kuna beegan 7-da December 2020 uu ka furmo Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalaya Hogaamiyayaasha heer federal & heer Dowlad Goboleed…

CXD oo Shabeelaha Hoose ka sameeyay Howlgal sababay dhimasho

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal sababay dhimasho & dhaawac ka sameeyay deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay. Deegaannada Askarta Dowladda Federaalka howlgalka ay ka fuliyeen ayaa kala ah: Wala-galeen, Galka saalimow, Dahaad ,Ceel-maracade & Garas Gawaan oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose. Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Gen. Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay…

Waa Kuma Goddoomiyaha cusub ee guddiga Doorashooyinka? –

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka  ayaa guddomiye u doortay Maxamed Xasan Maxamed oo muddo katirsanaa Raadiyaha Ergo oo fadhigiisu yahay Nairobi, Haddaba waa kuma Maxamed Xasan? Noloshiisa: Maxamed Xasan waxa uu ku dhashay deegaanka Widhwidh ee gobolka Togdheer, Todobaatameeyadii ayaa Qoyskiisu kamid noqday reerihii dowladdu ka soo rartay gobolka Togdheer oo ay xilligaas abaartu saameysay, degmada Jamaame ee gobolka…

Dowladda Soomaaliya oo ka xumaatay go’aanka Trump ee

Go’aanka Donald Trump ee ah inuu ciidamada Mareykanka kala baxo Soomaaliya maalmaha yar ee ka dhiman madaxweynenimadiisa ayaa waxaa diidmo kala horyimid qaar kamid ah Soomaalida, kuwaasoo ka codsaday madaxweynaha imanaya ee Maraykanka Joe Biden inuu ka laabto go’aanka. Senetar Ayuub Ismaa’iil Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka mid ah dadka aad uga horyimid go’aanka Hogaamiyaha waqtigiisu dhamaaday ee Maraykanka Donald Trump. Pentagon-ka ayaa sheegay in Trump…

Muxuu yahay Ajandaha shirka labada mar baaqaday ee gollaha

Shirka gollaha wasiiradda Soomaaliya oo uu shirgudoomiyay Ra'iiul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa dib u dhigay shir aan caadi ahayn oo la filayay in ay Maanta yeeshaan, kaasoo oo ajandihiisu ahaa in go’aanno looga soo saaro xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliye iyo Kenya. Wasiiradda ayaa sidoo kale lagu wadey in ay soo saaraan go’aan ka dhan ah Jubbaland oo khilaaf xoog leh kala dhaxeeya dowladda Faderaalka Soomaaliya, waxaana…

Midowga Mushariinti oo “boob hanti qaran” ugu yeeray bixinta

Golaha Midowga Murashaxiinta oo walaac xoog leh ka muujiyay waxa ay ugu yeereen ‘boobka hanti qaran’ ayaa sheegay in ay lidi ku tahay nidaamka Dowladda in Xukumadda Soomaaliya ay bixiso rugsadaha shidaal baarista Soomaaliya iyada oo dalku ku jira marxalad doorasho. “Golaha wuxuu u arkaa in ay boob hanti qaran tahay in iyadoo lagu jiro marxalad doorasho oo kala-guur ah, ay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS ku dhiirrato bixinta ruqsadaha baarista Batroolka” ayaa lagu yiri…

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo Taageera dhaqaale u dalbday

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Itoobiya Axmed Shide ayaa ka hadlay saameynta dhaqaale ee laga dhaxlay Dagaalka Ismaamulka Tigray & Ciidamada Federaalka & kaalmada ay u baahan tahay Dowladdiisa. Axmed Shide oo Warbixin siinayay Guddiga Fulinta ee Iskaashiga Horumarinta ayaa sheegay in dhibaatooyin dhaqaale xumo, Xaalado Bani aadamnimo & raadinta nabadda aan looga maarmin Ismaamulka Tigray, kadib markii uu martigeliyay Howlgalka Sharci kusoo celinta…

Masar & Soomaaliya oo kawada xaajoonaya Xiriirka, Iskaashiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Carabta Masar Saamix Shukri ayaa si hordhac ah u faah-faahiyay kulan maanta oo Sabti ah uu la qaadanayo Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Soomaaliya Xasan Macalin Khaliif. Kulankaan ayaa yimid kadib markii maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in Xukuumadda Qaahira ay damacsan tahay in Turkiga ay ku colaadiso Soomaaliya iyada oo kaashaneyna Suudaan & Israel. Saamix Shukri ayaa sheegay in Dowladdiisu ay ka go’an tahay xoojinta Xiriirka…

Waa maxay Sababta Sacuudiga uu Teleefoonada ugu diiday

Muddo fog Xabsiyada Boqortooyada Sacuudiga waxaa caadi ka ahaa isticmaalka Teleefoonada Maxaabiista sugeysa in dib loogu celiyo (Tarxiilo) dalalkooda. Waxa ay xiriir fudud la sameynayeen ehelkooda & asaxaabta, iyaga oo la socda Baraha Bulshada. Boqortooyada ayaa ilaalada Xabsiyada gaarsiisay in ay Teleefoonada ka qaadaan dadka lagu soo qabto dambiyada kala duwan & kuwa sharci darrada ku jooga Sacuudiga kahor inta aan waddankooda la geyn. Marka la gaaro waqtiga la…

Golaha Wasiirada XFS oo fadhi ka leh Caqabadaha hortaagan

Golaha Wasiirada XFS ayaa maanta fadhi gaar ah ka leh Xaaladda dalka gaar ahaan Habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan Doorashada Soomaaliya 20/21 sida Axadle ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo. Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Bishii September 2020 ballanqaaday in doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo & October oo ay Xoojisay Xukuumadda fulinta jadwalka Doorashada 20/21 ayaa iska xog wareysanaya caqabadda hortaagan. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dhageynsaya…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More