Browsing Category
Somalia
Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.
Kenya oo sheegtay in Ayax uga Gudbay Soomaaliya & Itoobiya
Kenya ayaa sheegtay in Ayax ka gudbay Soomaaliya & Itoobiya uu dhibaato ku hayo 9-Ismaamul Goboleed, saameynta ugu badan waxa uu ku reebay dhul daaqsimeed baaxadweyn & beero kala duwan.
Ismaamulada sagaalka ah ay Kenya sheegtay in uu gaaray Ayaxa waxaa ka timid Cabasho xooggan oo dadka deegaanka ah, waxa ay kala yihiin: 1-Wajeer, 2-Gaarisa, 3-Tana River, 4-Kiliifi, 5-Lamu, 6-Mombaasa, 7-Taita 8-Taveta, Kitui and 9-Marsabit.
Ayaxa ayaa marka uu dhirta ku dul-dego waxa uu…
RW Rooble, Garoowe ma guul buu kala tagayaa mise Niyad jab?
Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa dhowr jeer ku guuldareystay in Hogaamiyaha & ku xigeenka DG Puntland uu ku qanciyo bilaa shuruud in ay soo gudbiyaan Guddiga ku metalaya Doorashada 20/21, balse hamigaas ayaa guul-dareystay kadib markii la hordhigay Shuruudo kala duwan.
Rooble ayaa Hoygooda ugu tagay Hogaamiyayaasha Isimada & Ururada Bulshada Rayidka si ugu yaraan uu garab uga helo si uu u gudbo gidaarka siyaasadeed ee ku…
Ciidamada AMISOM oo qarax loo dhigay & rasaas ay fureen oo
Sawir hore
Ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku jooga holwgalka Ururka Midowga Afrika AMISOM ayaa saakay qarax loo dhigay wadada u dhaxeysa Jamhuuriya Masjidka Turkiga Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa Miino jidka la geliyay ayaa ku qaraxday kolonyo Gaadiid Militari oo ay wateen Askarta Burundi oo si maalinle ah isaga kala gudba Xero Maslax & Xarunta Xalane oo ah Saldhiggooda ugu weyn sida Axadle ay u xaqiijiyeen ilo amni.
Askarta AMISOM ayaa qaraxa kadib…
Hogaamiye Farmaajo muxuu kala hadlay Guddoonka Baarlamaanka
Hogaamiyaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan Muqdisho kula qaatay Guddoonka Baarlamaanka & Xidhibaannada DG Galmudug oo ku sugan Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Raysul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Maxamed Nuur Gacal, ku xigeenka 1-aad Cabdullaahi Xirsi Maxamed, ku xigeenka 2-aad Faadumo Cabdi Cali & Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed…
IGAD oo muddeysay dhageysiga Dacwad Soomaaliya ay ka
Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Dacwad Dowladda Federaalka ay ka gudbisay Kenya la dhageysanayo 6-Cishe kadib oo ku beegan 20-ka December 2020 Axadda Todobaadka soo socda.
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Jabuuti ay qabaneyso kulanka lagu dhageysanayo Gal dacweedka Xukuumadda Soomaaliya ay ka gudbisay dhiggeeda Kenya.
“Iyadoo laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay…
Hamdok oo ay wehliyaan saraakiil Milatari & Sirdoon ayaa
Raysul wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdok oo ay la socdaan saraakiil Miritari iyo Sirdoon ayaa gaaray Itoobiya waxaana soo dhaweeyay Raysul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Raysul wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdok oo ay la socdaan saraakiil Miritari iyo Sirdoon ayaa gaaray Itoobiya, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiskiisa, iyada oo ay sii kordhayso dhibaatada soogalootiga gaaray Suudaan iyaga oo ka qaxaya colaadda gobolka Tigreega haatana ku sugan xuduudka labada dal.
Raysul…
Maxay tahay cabsida laga qabo in uu dalku galo xaalad
Madaxweynihii 8 aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Soomaaliya ayaa wajihi karta xaalad dastuur la’aan ah hadii aan la qaadin talaabooyin deg deg oo badbaado ah, sidda uu sheegay madaxweynihii 8aad ee waddanka, Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal u diray hogaamiyayaasha dowladda federaalka ah.
Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyaha xisbi siyaasadeedka UPD ayaa ku baaqay in labada gole ee baarlamaanka federaalka yeeshaan kulan deg-deg ah” oo looga arrinsanayo dib-u-dhigista…
Kenya maxay ka tiri safarka Muuse Biixi ee Nairob? –
Muuse Biixi oo lagu soo dhaweeyay Kenya.
Hogaamiyaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bari oo isniin ah lafilayaa in uu la kulmo hogaamiyaha somaliland muuse biixi oo booqasho ku jooga dalka Kenya si ay ugala hadlaan arimo kala duwan oo ku saabsan ganacsiga iyo amaanka, iyadoo ay jirto khilaaf diblumaasiyadeed oo kala dhaxeeya soomaaliya.
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah ee Biixi uu ku tago Nairobi tan…
Shirka Amniga Doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay! –
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ahna Guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka guddiga amniga doorashooyinka qaranka ee 2020/2021, kaasi oo ka socda xarunta Xalane ee garoonka Aadan Cadde.
Shirkaan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka qaranka ayaa waxaa ka qeyb-galaya, Xubno ka kala socdo xafiisyada madaxweynaha,Raysul wasaaraha,Xoogga dalka,taliyaasha Ciidamada…
the municipal race before general elections
Postponed several times, local elections for elected councilors will take place today across Niger. They have not taken place since 2004 and the main effort is the control of the municipalities, especially the big cities such as Niamey, Zinder and Maradi. Members are elected for a five-year period. These elections also make it possible for political parties to know their weight before the major…