Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

RW Rooble oo Isimada & Bulshada Rayidka Puntland kala hadlay

Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoygooda ugu tagay Islaam Ciise Islaam Maxamed & Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo hoggaanka dhaqanka deegaannada DG Puntland. Waxa ay iska xog-wareysteen xaaladda dalka, kaalinta Odoyaasha dhaqanka ay ku leeyihiin howlaha geedi socodka ee waqtiga kala guurka, dhismaha Dowladda & isu soo dhaweynta dhinacyada aragtida siyaasadeed ku kala fogaaday. Raysul Wasaare Rooble ayaa madax dhaqameedyada uu la kulmay ka dhageystay…

Deni oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirada XFS ee la

Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirada la socda Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble si uu mid waliba ugala hadlo arrimo gaar ah. Wasiirada uu qaabilay Deni waxaa kamid ah: Wasiirka Dastuurka XFS Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Cadaaladda XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Kalluumeysiga iyo  Kheyraadka Badda XFS, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Cabdullaahi…

François Compaoré soon fixed his possible extradition

Although France approved the extradition of François Compaoré in February, the former president's brother has still not returned to Burkina Faso. His lawyers have appealed to the Prime Minister. It has been 22 years this Sunday, December 13th Norbert Zongo was assassinated in Sapouy, in east-central Burkina Faso. This…

Xafiiska Hanti Dhowrka qaranka oo dalbaday dib usoo celinta

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) Hanti dhowraha qaranka Warqad kasoo baxday Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa lagu dalbaday in dib loogu soo celiyo Gaadiid horay loo siiyay Xubno katirsan Dowladda Federaalka & shaqsiyaad aan haatan xilal ka heyn. Magacyada shaqsiyaadka liiskaan lagu wargeliyay dib u celinta gaadiidka waxa ay u badan yihiin Wasiiro & xubno katirsan Laanta Xeer dejinta Baarlamaanka Soomaaliya & qaar kamid ah Ragga lagu tiriyo in ay saaxiib…

Wadahadalada Garoowe ee u dhexeeya RW Rooble & MW Deni oo

Laba fadhi oo kamid ah kulamada u dhexeeya RW Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha DG Puntland Siciid Deni ayaa ku dhammaaday Natiijo la’aan, sababta waxa ay xubno kamid ah Wafdiga labada dhinac ku sheegeen in ay tahay DG Puntland oo ka maagtay codsiga Ra’isalwasaare Rooble oo ah in Puntland si dhaqsi ah u magacowdo xubnahaha ku metelaya guddiga lagu muransan yahay ee  xukuumaddu u magacowday in uu maamulo doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyada ee 2021. Kulamada oo ay…

Itoobiya: Kolonyadii ugu horreysay ee gargaarka ah oo

Kolonyadii gargaarka ee ugu horreysay oo sidda dawooyin iyo sahay gargaar ayaa gaartay magaalada Mekelle, caasimadda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, sida uu sheegtay guddiga caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC). Bayaan ay soo saartay Sabtidii, ICRC waxa ay ku sheegtay in kolonyada gawaarida ah oo ka socda kooxda fadhigeedu yahay Geneva iyo Ururka Laanqayrta Cas ee Itoobiya (ERCS) loo diray gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya. Toddobo baabuur oo ay leedahay Laanqayrta Cas…

Muqdisho:-Ciidamo lagu qarxiyey wadada xiriirisa Tarabuunka

Wararka ka imaanaya degmada Hodan ee  Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay xaafado ka mid ah Magaalada. Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa waxaa lala eegtay gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Somaliya, kuwaasi oo maraayay wadada Cabdi qaasim iyaga rasaas xooggan furay ka dib markaa qaraxa lala eegtay. Qaraxa ayaa si gaar ah wuxuu uga dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Banaadir, waxaana la sheegayaa in…

Gudoomiye Mursal:-Shaqadeena ayaan sii wadanaynaa inta laga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta oo Sabti ah xarunta golaha shacabka ka sheegay  in Baarlamaanka Soomaaliya uu sii shaqeynayo inta laga helayo Baarlamaan bedela midka uu hada  hogaamiyo isla markaana laga dhaarinayo Baarlamaanka 11-aad Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa hadalkaan ka sheegay kulan Golaha Shacabka Waqtigiisu sii dhamayo maanta ka doodaya arrimaha miisaaniyadda 2021. Kulanka maanta ayaa…

Kenya oo 57-sano guurada Madax bannaanideeda ku maamuuseysa

12-ka December 1963-dii ayay Dowladda Kenya Madax bannaani ka qaadatay Gumyestihii Ingiriiska ee qaybta ka ahaa dalalka reer Yurub ee kala qaybsaday Qaaradda Afrika muddo dheerna adoonsaday. Garoonka Nyayo National Stadium oo aad loo adkeeyay ammaankiisa ayaa la geeyay ciidamada kala duwan ee dalkaas, askar gaar u ah sugidda Amniga, Shaqaalaha, Waaya-joog hore & dad laga kala keenay Xaafadaha ayaa la geeyay si ay u dhageystaan khudbadaha hogaamiyayaasha. Hogaamiyaha Kenya…

Liiska Dalalka ugu halista badan in loo safro 2021 oo lasoo

International SOS oo dabagasha Amniga & Caafimaadka dalalka kala duwan ee Caalamka ayaa soosaartay Warbixinteeda sanadlaha oo ay kusoo bandhigto halista ka imaan karta u safarka waddamada qaar. Daraasad cusub oo ay soosaartay waxa ay ku sheegtay in sanadka 19-ka Cishe ka dhimman curashadiisa ee 2021 dalalka qaar in aan loo safri Karin sababo Amni & Khatarta uu la kulmi karo qofkii u socdaala. Si gaar, Warbixinta ayaa lagu dul istaagay in waqtiga laga soo laabto Fasaxa…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More