Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Saraakiishii ku dhimatay Qarixii Gaalkacyo oo maanta la

Raysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loogu  sameeyey Gaalkacyo saraakiishii qaybta 21 aad ee ciidanka Xoogga dalka oo shalay ku dhintay qarax ka dhacay Xarunta gobolka Mudug. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidamada Booliska General Cabdi Maxamed Xasan Xijaar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya  oo…

Waa maxay Guga Carabtu, sidee se ku bilaabmay? – Axadle

Bishii December 2010, mudaaharaadyo dowladda looga soo horjeedo ayaa ka qarxay magaalada yar ee Tuuniisiya ee Sidi Bouzid, durbadiiba waxa ay ku fideen waddanka oo dhan, aakhirkiina waxaa xigay bannaanbaxyo la mid ah kuwaas oo ka socda waddamada deriska ah. Markay ahayd Febraayo 2011, Masar, Liibiya, Baxrayn, Yemen iyo Suuriya waxaa hareeyay kacdoonno iyaga u The post Waa maxay Guga Carabtu, sidee se ku bilaabmay? appeared first on AxadleTM.

Xukuumadda Soomaaliya oo Kenya ku eedeysay abaabulka Jabhad

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka si dhaw ay ula socoto abaabul Militari oo Kenya ay ku abuureyso Jabhad ku sugan Aagga Mandheera. Warka kasoo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay Kenya uga digeyso shirqoolkaas ay la damacsan tahay Ciidamada ku sugan Gobolka Gedo sida ku xusan Warsaxaafadeedka. “Dowldda Federaalka Soomaaliya waxay si dhaw ula socotaa abaabulka militari ee ay Dowladda Kenya…

Xil heynta Lafta Gareen ee Koofur Galbeed oo maanta labo

Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa maanta oo kale 19-ka December 2018-kii, kadib markii Dowladdu ay xirtay Muqtaar Roobow oo xilkaan ku hamiyay, dibadbaxyo rabshada watay oo dad rayid ah lagu dilay & Tijaabo adag oo ay gashay Xukuumadda Federaalka. Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Hogaamiyaha DG KGS waxaa la tartamay Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Ibraahim Macalin Nuur, Sayid Axmed Sheekh Daahir & Xuseen Cismaan Xuseen.…

Bandow Gaalkacyo la geliyay & dhaawacyo laga soo qaadayo. –

Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta la joojiyay dhaq-dhaqaaqa Magaaladaas, kadib markii laamaha ammaanka ay go’aan ku gaareen in lagu dhaqaaqo baaris la xiriirta qarax sababay dhimashada & Dhaawaca. Ciidamada ayaa xiray waddooyinka, dadka ayaa lagu wargeliyay in aysan kasoo bixin guryahooda, waxaana magaalada ku dhex socda Askarta sameyneysa baaris sida ilo xog ogaal ah ay Axadle u xaqiijiyeen. Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ku hanjabay in…

Mareykanka oo Markab dagaal usoo diray Soomaaliya si ugu

Dowladda Mareykanka ayaa muujineysa go’aanka ay ku dhaqangelineyso amarka kasoo baxay madaxeynaha xilka kasii degaya Donald Trump ee ah in uu Soomaaliya kala baxayo Ciidamada ka jooga. Trump ayaa si cad u sheegay in bartamaha Bisha Janaayo 2021 oo ah bilawga sanadka ah, kuna beegan 5-cishe kahor inta uusan xafiiska la wareegin Hogaamiyaha Dooran Joe Biden uu askartiisa ka saarayo Soomaaliya. Saraakiil Militari gaar ahaan Ciidanka Badda Mareykanka ayaa sheegay in Markabkaan uu…

DFS, Dowlad Goboleedyada & Al-Shabaab oo ka hadlay Qaraxii

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qarax uu fuliyay qof isku soo xiray Walxaha qarxa oo casir-liiqii shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta DG Galmudug xili dadkaas uu lagu waday in  uu la hadlo Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble. Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsiyeen kadib shacabka ka dalbaday in ay iskaashadaan si wax looga qabto qaraxyada & weerarada ay ku dhimanayaan dadka muhiimka u ah. “Dhammaan dadkii…

Saraakiil lagu dilay qarax ka dhacay Gaalkacyo! – Axadle

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo goordhow ka dhacay magaalada Gaalkacyo, qeybta Maamulka Galmudug, kaddib markii qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise oo lagu soo dhoweynayay Raysul Wasaare Rooble. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku geeriyoodeen saraakiil ciidan iyo askar ku sugneyd garoonka, xilli uu socday sugida amniga. Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Saraakiisha ku…

Saraakiil ka tirsanaa qaybta 21 aad oo ku dhimatay qarax ka

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 20 ruux oo ay ku jiraanTaliyihii Danab 21-aad Gaashaanle sare Muqtaar, kuxigeenkiisiii Dhamme Mardhow, Gaashaanle Sare Baaraaf oo ka tirsanaa 21-aad iyo Duqii hore ee Gaalkacyo Maxamud Yaasiin Tumey ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ahaa oo galabta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, qeybta Maamulka Galmudug, kaddib markii qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise oo lagu soo dhoweynayay Raysul…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More