Browsing Category
Somalia
Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.
Isku dhac sababay dhimasho iyo dhaawac oo Turkiga ku
Sida ay tabisay warbaahinta Turkiga, isku dhac ayaa dhexmaray Labo oo Ciidan oo Soomaali iyo Turki ah kuna ku tababaranayay Xero Ciidan oo ku taalla Gudaha Dalkaas, kadib markii ay isku dhaceen.
Inta la xaqiijiyay waxaa dhimatay 25-ruux oo labada dhinac ah, kadib markii waxyeelo halis ah kasoo gaartay waxyaabaha ay isu adeegsadeen inta uu socday dagaalkooda sida ay tabisay Warbaahinta.
Dhaawaca lama soo sheegin inta uu gaasiisan yahay waxaase jira shaqsiyaad dhaawacyo halis ah…
Bangiga dhexe ma ku guuleysan karaa in uu ka badbaadiyo
Suuqa ganacsiga Bangiyada & xawilaadda ama diridda lacagta (Money Transfer Businesses (MTBs) ee Soomaaliya waxa ka furan ganacsi xoog leh oo saameyn toos ah kuleh dhaqaalaha Soomaaliya, sidaas awgeed Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa diiwaangeliyey islamaraakaana siiyey Ruqsadda howlgelidda 13 Bangi oo u badan bangiyo ganacsi oo gaar loo leeyahay.
Bangiga dhexe ayaa shaaciyey in Bangiyada qaatay ruqsadda shaqada iyo howlgalka ay qaarkood shaqo billaabeen halka qaarkalana…
Farmaajo & Khayre oo ku kula sugan Jabuuti iyo Eritrea, waa
Madaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, Hogaamiyaha oo soo dhoweyn heersare loo sameeyay ayaa Qasriga Madaxtooyada waxaa ku qaabilay Madaxweyne Isaias Afwerki, iyadoo labada Madaxweyne ka wada hadleen horumarka xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka.
Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa soo gabagabeeyay socdaal uu ku tagay dalka koonfurta Suudaan halkaas oo uu uga qeyb galay munaasabadda…
Qadar oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso dhismaha
Wakiilka joogtada ah ee Qatar u fadhiya Xafiiska UN-ka ee Geneva Danjire Ali bin Khalfan Al Mansouri.
Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay dib u cusbooneysiisay taageeradeeda Soomaaliya si ay u bixiso taageerada lagama maarmaanka ah wadanka ayna gacan uga geysato dhismaha dowladnimada, hay’adaha iyo ku dhaqanka sharciga, kaas oo xaqiijinaya in Soomaalida ay helaan dhammaan xuquuqdooda iyadoo la tixgelinayo madaxbannaanida, midnimada umadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya.
Wakiilka…
QM oo walaac ka muujisay Xuquuqul Insaanka Soomaaliya & DFS
Isha Dyfan oo katirsan Baarayaasha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay u hoggaansamidda xeerarka xuquuqul insaanka Soomaaliya, waqi dalka ay kusoo wajahan tahay doorashada 20/21.
Waxa ay sheegtay in khubaro madax bannaan ay la wadaageen xaaladda xuquuqda aadanaha oo aan gaarsiiseen darjo sare oo ah meesha loo baahan yahay in la geeyo heerka xuquuqul insaanka Soomaaliya.
Isha Dyfan ayaa xilkaan loo magacaabay Bishii Maarso, kadib markii dunida uu isaga kala…
Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle oo Ciidan dheeraad ah u dalbay
Wasiirka Amniga DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo la hadlay VOA ayaa faah-faahiyay howlgalada lagu adkeynayo amniga deegaannada maamulkaas gaar ahaan Magaalada Jowhar.
Wasiir Khayre ayaa sheegay in Bulsho ka badan kuwa haatan kunool Magaalada Jowhar ay tageyso marka ay bilaabato doorashada, arrintaasina ay sababi karto culeys dhanka amniga haddii aan laga sii feejignaan.
Waxa uu dalbaday in la geeyo Ciidamo dheeraad ah oo ka qaybgala sugidda amniga Magaalada…
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxdii ka qaybgashay
Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Jubba Caasimadda Koofurta Suudaan kula kulmay madax kala duwan oo goobjoog ka ahayd heshiiska nabadda Suudaan.
Hogaamiyayaasha uu la kulmay Madaxweyne Farmaajo waxaa kamid ah Hogaamiyaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, wafdi ka socday Dowladda Qadar, Hogaamiyaha Jaad, Koofurta Suudaan oo martigelisay gogosha iyo Suudaan.
Waxyaabaha ay kawada hadleen waxaa kamid ah xoojinta heshiiska dhexmaray dhinacyadaan…
Jowhar oo lagu xiray dad lagu tuhmay amni darrada
Magaalada Jowhar Xarunta DG Hir-Shabeelle oo maalmihii dambe ammaankeeda laga deerinayay waxa ay Ciidamada amniga ka joogteen baaristaannada xaafadaha kala duwan ee Magaaladaas.
Howlgal qaatay saacado oo ka dhacay Xaafadaha Magaalada jowhar waxaa lagu xiray dad lagu tuhmayo amni darrada xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo dhanka kale magaalo madax u ah Shabeelaha Dhexe.
Saraakiisha ammaanka ayaa Axadle u sheegay in dadka lasoo qabtay ay marayaan baarista hubinta, qofkii…
Sucuudiga oo cunaqabatayn ku soo rogay dowladda Turkiga! –
Madaxa Rugta Ganacsiga ee Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku baaqay in la qaadaco “wax kasta oo Turki ah” oo ay ka mid yihiin soo dejinta, maalgashiga, iyo dalxiiska, isaga oo leh “waa masuuliyadda qof walba oo Sacuudi ah”, warbaahinta maxalliga ah ayaa werisay.
Baaqa qaadacaadda ayaa yimi ka dib markii madaxweynaha turkiga Recep Tayyip Erdogan uu sheegay in qaar ka mid ah wadamada khaliijka carabta ay bartilmaameedsanayaan turkiga isla markaana ay wadaan siyaasado khalkhal…
Masar:-Naxashyo duugnaa 2,500 oo sano oo haatan la soo
Khubarada waxyaabaha qadiimiga ah ee Masar ayaa ku dhawaaqay daahfurka 59 naxash oo duugnaa in ka badan 2,500 oo sano
Furitaanka mid ka mid ah Naxash-yada oo loo soo bandhigay warbaahinta Sabtidii, ayaa shaaca ka qaaday maydad ku daboolan maryo midabo kala duwan leh oo dhalaalaya.
Baaritaanka cajiibka ah waxaa laga soo helay goob taariikhii ah oo muqaddas ah kuna taalla deegaanka Saqqara oo dhaca koonfurta magaalada caasimadda ah ee Qaahira waana goob caan u ah hidaha dalkaasi.…