Browsing Category
Somalia
Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.
Antonio Guterres oo Xalka wax looga qaban karo Musiibooyinka
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres .
13-ka Oktoobar, waxaa loo aqoonsanaa maalinta caalamiga ah ee dhimista musiibooyinka dabiiciga ah, waxaana lasoo bandhigaa waddamada ugu badan ee wajahay halista iyo kuwa la saadaainayo in ay ku jiraan xaalad khatar ah!
Saameynta ugu badan musiibadu waxaa dareema dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo, kuwa wajahaya xaaladda soo kabashada, Aafooyinka dagaalka iyo musiibooyinka kale ee qaar aadanuhu uu sababta u yahay.
Xoghayaha guud…
7-Cishe oo ka harsan waqtiga ugu dambeeyo ee Dhismaha
Doorashada Galmudug-2020
Saddex Cishe ayaa laga tallaabay 10-maalmood ee lagu go’aamiyay in lagu soo gaba-gabeeyo Guddiga farsamo ee hordhaca u ah guda-gelista doorashada 20/21 ee heshiiska ay ka gaareen Hogaamiyayaasha Heer Federaal & Heer DG.
1-dii bishaan Oktoobar, Madxda DFS & Dowlad Goboleedyada ayaa ku heshiiyay in la dhiso Guddiga Farsamo oo muddo ahaan ka gudbi karin tobanka cishe si uu dhaqangal u noqdo jadwalka ay dajiyeen.
Magaalada Muqdisho iyo Xarumaha DG…
Madaxweyne Qoor-Qoor oo loo gudbiyay cabasho ka dhan ah
Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka labaad ee DG Galmudug oo ka careysan warqad uu soosaaray Guddoomiyahooda Maxamed Nuur Gacal isla markaana uu shaqada uga joojiyay Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.
Xildhibaannadaan ayaa Qoor-Qoor u gudbiyay in uu wax ka qabto cabashadooda oo salka ku heysa buuq ka dhashay howlaha shaqo ee Baarlamaanka iyo awood sheegashada Guddoomiyahooda.
Qaar kamid ah Xildhibaannada…
Qaybo kamid ah Isgoysyada Muqdisho oo dhagaxaanta laga
DFS ayaa muddo dheer kadib waxa ay dhagaxaanta ka qaaday qaar kamid ah isgoysada Magaalada Muqdisho oo qaarkood xitaa iskaba dhaafee Gaadiidka iyo mootooyinka ka gudubka dadka ay ku adkeyd.
Halka isgoysyada qaar kaliya loo ogolaa Mootooyinka iyo Gawaarida heysta aqoonsiyada oo saf dheer marka ay galaan, hubin baaris ah ay maraan kadib loo ogolaan jiray in ay ka gudbaan gaadiidkaas.
Goobjoogayaal la hadlay Axadle ayaa u sheegay xalay saq dhexe la qaaday dhagaxaantaas, isla…
Muxuu yahay walaaca Qaramada midoobay ka qabto Bangiyada
Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in Al Shabab ay malaayiin doolar ka hesho canshuuraha ayna dhaqaalahaas ku kaydsadaan bangiyada maxalliga ah, sida laga soo xigtay warbixin cusub oo kasoo baxday Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.
Guddi khubaro ka socda Golaha Amniga oo dusha kala socda arrimaha Soomaaliya ayaa soo saaray warbixintaan, oo aan weli bulshada loo soo bandhigin, balse New York Times ay heshay nuqul kamid ah.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay…
Ganacsatadda Turkiga oo ka digtay dhibaatada ka dhalanka
Dalxiisayaal ka dukaameysanaya suuq ku yaal Bodrum, Turkey 15-kii Sebtember, 2017 .
Kooxaha hormoodka ka ah ganacsiga Turkiga ayaa ugu baaqeen Sacuudiga inuu joojiyo dhabar jabinta alaabada ay soo galayaan boqortooyada, iyagoo ka digay in ay taasi dhaawaceyso dhaqaalaha Turkiga iyo kan Sacuudiga.
Bayaan ay soo saareen, hogaamiyayaasha sideeda koox ee ugu waaweyn ee ganacsiga ee Turkiga ayaa sheegay in shirkadaha Sacuudiga ay sheegeen in laga codsaday dalkooda in ay saxiixaan…
“September 2012-kii Koofurta & Bartamaha in ka badan 85%
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii 8-aad ee JFS
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay maalinta calanka Soomaaliyeed ee 12-ka Oktoobar oo maanta ku beegan ayaa sheegay dhibaatooyinkii loosoo maray.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in halgan dheer loosoo maray helitaanka calanka Soomaaliya oo maanta laga joogo 66-sano markii lasoo bannaan-bixiyay, isaga oo dib u xusuustay dhacdooyinkii uu waaya-joogga u ahaa.
“AUN Halgame Maxamed Cawaale Liibaan…
Buurta ugu dheer Afrika oo dab ka kacay! – AxadleTM
Buurta ugu dheer ee Qaaradda Afrika (Kilimanjaro) ee Dalka Tanzania waxaa ka kacay dab ay sheegeen dadka kunool agagaarka Buurtaas in uu ku dhaliyay welwel nafeed, maadaama ay suuragal tahay in uu gaaro deegaanno horleh.
Waaxda Beeraha lagu nasto Tanzania ee lagu magacaabo (Tanapa) ayaa sheegtay in uu socdo dadaal lagu daminayo dabkaas, si uusan saameyn taban ugu yeelan bilicda buurta oo ah meel loo dalxiis tago.
Holaca dabka & Uurada cirka isku shareertay ayaa laga arkayaa…
Ciidamada DFS oo howlgal ka sameeyay Degmada Baladxaawo. –
Ciidamada ammaanka DFS ayaa howlgal ka sameeyay Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, kadib markii ay heleen macluumaad dhanka amniga ah, waxa ay xireen waddooyinka degmada inta howlgalkooda uu socday.
Askarta ayaa galay meelo gaar ah oo bartilmaameedka howlgalku ahaa, waxa ay baaris kula dhaqaaqeen Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan & Dadka la socda sida Goobjoogayaal la hadlay Axadle ay xaqiijiyeen.
Cabdulqaadir Xuseen Ibraahim taliyaha Nabadsugidda Degmada Baladxaawo oo…
Soo bannaan-bixinta Calanka Soomaaliya oo maanta laga joogo
Calanka Soomaaliya
Calanka Soomaaliya waxaa la alifay 12-kii Oktoobar 1952-tii maanta oo kale, dood & falanqeyn labo sanno ah ayuu soo maray, waxaana ugu dambeyn la shaaciyay 1954-tii, waana markii lagu arkay isaga oo dul babanaya Fiisho Gufeerno (Aqalka Dowladda Hoose).
Helistaanka Calanka waxa ay kusoo aaday tobankii sano ee madax bannaanida Soomaaliya laga shaqeynayay, maadaama la doonayay in Jamhuuriyadda Soomaaliya xorriyad uu siiyo Gumeystihii Talyaaniga oo koofurta…