Browsing Category
Somalia
Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.
Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo hab maamuus gaar ah u sameystay
Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa gudaha Soomaaliya usoo tallaabay 14-kii Oktobaar 2011-kii, iyaga qiil ka dhiganaya kahortagga weerarada & Afduubka Al-Shabaab oo xiligaas marar kala duwan ka dhacay dalkaas.
Askarta Kenya ayaa kasoo gudbay soohdinta iyaga oo aan heysan ogolaanshiyaha Ururka Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay, Gawaarida Gaashaaman, kuwa yaryar, Sahay & waxyaabaha ay isticmaalayaan ayay lasoo galeen Soomaaliya, halka kor ay kala socdeen diyaaradaha Qumaatiga u kaca.
Sanad kadib saldhigashada…
Ciidanka Amaanka Hir-Shabeelle oo Jowhar ka bilaabay howlgal Amni
Ciidamada Booliiska DG Hir-Shabeelle ayaa Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulkaas ka bilaabay howlgalo lagu baarayo xaafadaha Degmadaas, Gaadiidka & la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka.
Ujeedka howlgalkaan waxa ay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka wax baaraya ku sheegeen in lagu adkeynayo ammaanka Xarunta Hir-Shabeelle oo sida qorshuhu yahay martigelineysa Ergo badan.
Jowhar waxaa tagaya Ergo beeleedyo leh kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo aqalka sare BFS oo bilawgii…
Xusuusta Qaraxii Soobe 14-ka Oktoobar 2017 & Dadkii ka
Maanta saddex sano ayaa laga joogaa markii uu dhacay qaraxii Soobe ee sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo weynta dad lagu tiriyay liiska Geerida balse aan la helin raq iyo ruux!
Dadkii goobjooga u ahaa maalintaas qaraxii dhacay oo qaarkood dhaawac jireed & Mid maskaxeed soo gaaray ayaa Axadle u sheegay in xusuustooda aysan ka go’in wixii maalintaas dhacay.
Qaraxa ayaa dhacay xili uu isgoysku aad mashquul u ahaa, Gawaarida ayaa isku xirantay, dadka ayaa…
NISA oo sheegtay ay qabatay 79-Tan oo ah maadada (Sulfuric
War kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay gacan ka geysteen Hay’adaha ay kala kaashato la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada gacanta ku dhigtay 79 Tan oo ah maadada (Sulfuric Acid).
NISA soomana bandhigin tirada, magacyada iyo muuqa dadka ay u qabatay gudibnta maadada (Sulfuric Acid) oo ah dareere saliid ah oo waa aashito macdan ah oo ka kooban walxaha baaruudda ee Qaraxyada loo adeegsado.
Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa…
Trump oo Askartiisa ka saaraya Soomaaliya & Madaxweyne
Sida ay daabacday Barta ka falanqoota Ganacsiga ee Bloomberg, Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu Sooomaaliya ka saaro Askarta iyo saraakiisha ka joogta ee taageerada siiya Ciidanka DFS & AMISOM.
Tiro rasmi ah lagama soo gudbin inta ay gaarsiisan yihiin Ciidankaan Mareykanka ee Soomaaliya jooga, balse waxaa lagu qiyaasaya in ay ku dhaw yihiin kun, waxaana ay isugu jiraan Askar kooban & Saraakiil u badan la-taliyaal sare.
Trump ayaa la kulmay…
Khayre Xildhibaanadda Kenya ma wuxuu kala hadlay ‘muranka
Senator ka tirsan aqalka sare ee Kenya, Falhada Dekow Iimaan oo ka mid aheed Mudanayaashii maanta Nairobi kula kulmay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in RW Xasan Cali Khayre uu balanqaaday inuu xal “waara” loo heli doono dacwada badda ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya hadii loo doorto madaxweynaha.
Qoraalkaas oo aad looga falceliyay ayay Senataradu ka saartay barteeda Facebook waxa ayna soo dhigtay qoraal kale oo ay raalli galin kaga…
Khayre oo Nairobi kula kulmay Mudanayaasha Soomaalidda ah ee
Kulan Nairobi ku dhexmaray Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaanadda Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxweyne ee Villa Somalia 2020/21 Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Xildhibaanada Soomaalida ah ee ku jira Baarlamaanka dalka ee dalka Kenya.
Khayre ayaa ololihiisa doorashada ka bilaabay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo inta badan ay ku sugan yihiin dhammaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee doonaya in ay u tartamaan kursiga ugu sareeya dalka.…
Muxuu Kheyre ka raadinayaa Baarlamaanka dalka Kenya?. –
Kulan Nairobi ku dhexmaray Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaanadda Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxweyne ee Villa Somalia 2020/21 Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Xildhibaanada Soomaalida ah ee ku jira Baarlamaanka dalka Kenya.
Khayre ayaa ololihiisa doorashada ka bilaabay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo inta badan ay ku sugan yihiin inta badan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee doonaya in ay u…
Sidee Soomaaliya u saamaynayaa hardanka Quwadaha aduunku ee
Diyaarad xamuul ah oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa deeq daawo ah soo gaarsiisay Soomaaliya May 2, 2020. Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka hirgeliyay safaaraddii ugu weyneyd ee Afrika ku taalo.
Quwadaha aduunku ayaa ku hardamaya in saami laga siiyo gobolka Geeska Afrika wixii ka dambeeyay markii isbahaysiga milateriga ee Sucuudigu hoggaaminayo Maraykankuna uu ku lug lahaa ay faragaliyeen dagaalkii Yemen ee sanadkii 2015, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay gobolka Geeska Afrika uu noqday gobol istiraatiiji u ah…
Jubbaland oo xukun dil ah ku riday nin loo haysto weerarkii
Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta Jubbaland oo maalmahan waday dhageysiga dacwadda loo haysto Deeqow Caliyow Kuusow oo 19 jir ah laguna eedeeyay in uu kana mid ah Al-shabaabkii weerarka ku qaaday Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo 12 kii July sanadkii hore, ayaa maanta xukun ku riday dhagar qabaha.
Dhageysiga kiisaskaan oo soo maray heerar kala duwan ayaa ugu dambeyn maanta maxkamadda ay soo saartay xukun dil toogasho ah oo lagy riday ninkaan magaciisa afgarashadu…