Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Booqashada RW Rooble ee Isbitaalada oo sababtay in loo xiro

Ra'iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka,Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowzia Abiikar Noor iyo agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr Cabdirisaaq Jalaalu-diin. Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble oo Axada maanta ah booqday qaar ka mid ah Isbitaaladda Caasimadda ayaa loo xiray wadooyinka ugu muhiimsan magaaladda hogaamiyayaasha wadanka ee Muqdisho. Mr Rooble ayaa la sheegay in uu u kuurgalayey adeegyada caafimaad ee ay u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed…

Midowga Yurub oo Gobaladda Waqooyi ka taageeraya hormarinta

Ergeyga Gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga ayaa sheegay in uu Gobaladda Waqooyi ka taageerayo hormarinta Teknoolojiyadda iyo ko u qaadista xirfada dadka ku shaqayn kara. Ambassador Nicolas Berlanga ayaa Hargaysa kula kulmay wasiirka Isgaarsiinta Iyo Tiknoolajiyadda  Somaliand Cabdiweli Cabdillaahi Suufi, Agaasimaha Guud, shaqaalle iyo lataliyaal ka tirsan wasaarad Isgaarsiinta Gobaladda Waqooyi. Qoraal ka soo baxay wasaarada…

Dhalinyaro ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay Gobolka

Laba qof ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Garowe iyo Dangoroyo ee gobolka Nugaal ee Puntland. Gaari shilkaas galay ayaa ahaa nooca yaryar ee raaxada, waxaana watay labada nin ee ku geeriyootay shilkaas. Gaari ayaa rogmaday xilli uu marayey nawaaxiga tuulo lagu magacaabo Sinujiif oo u dhaxeysa magaalooyinka Dangoroyo iyo Garowe, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland. Maxamed Cali Xasan iyo Maxamed Qude, ayaa…

Ciidamada Dowladda oo xiray qaybo kamid ah waddooyinka

Ciidamada ammaanka DFS ayaa saakay xiray qaar kamid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana lugeyna Dad isugu jiro Arday, kuwa shaqooyin u socda iyo shaqsiyaadka kale ee raaci jiray Gawaarida isu socodkooda la joojiyay. Askarta ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaan (Koofi Cas) ayaa xirtay waddooyinka Caasimadda gaar ahaan qaybo kamid ah Maka Al-Mukarama & Waddada hormarta Dekedda Muqdisho. Waddooyinka waaweyn waxaa lagu jaray Gawaarida dagaalka,…

Trump oo la sheegay in uusan Dadka u gudbin karin Covid-19!

Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay in uusan awood u lahayn u gudbinta dadka xannuunka ku dhacay ee Covid-19, kadib muran ka dhashay marada afka iyo sanka lagu daboosho (Face Mask) uu iska furay. Dr Sean Colney oo ah dhaqtarka gaarka ah ee Aqalka Cad Mareykanka looga arrimiyo ayaa ku sheegay Warbixin uu soosaaray in Trump uusan gudbin Karin xannuunka dilaaga ah ee Coronavirus. Waxa uu tilmaamay in dawooyin la siiyay, kadib markii isbitaal la dhigay todobaadkii…

“Xil heynta Waare waa ay dhammaatay, Baarlamaanka ayaa xil

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed Sheekh Cismaan Barre Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in xil heynta sharciga ee Hogaamiyayaasha Maamulkaas dhammaatay 9-kii Oktoobar maalin kahor, wixii hadda ka dambeeyana la qorsheynayo doorashada 4-sano ee soo socota. Guddoomiye Cismaan ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare & Xukuumaddiisaba waqtiga uu ka idlaaday, sidaas awgeed…

UK oo abaalmarisay Sarkaal howlo Ciidan ugu fuliyay

Rod Hansen oo ah Taliyaha Booliiska Ismaamulka Gloucestershire ee Dalka Ingiriiska ayaa la siiyay abaalmarinta boqortooyo ee lagu maamuuso shaqsiyaadka waxqabadka wanaagsan ee dalkaas iyo waddamada kale maamul ahaan u hoostaga. Ninkaan lagu abaalmariyay kadib markii door wanaagsan uu ka qaatay howlaha dhanka Ciidanka gudaha iyo dalalka ka baxsan sida Soomaaliya, Kenya iyo Uganda oo uu khibrado ciidan ku biiriyay. Hansen ayaa hantay biladdaan oo soo jireen ahayd tan iyo 19-kii…

Maxaa ka socda magaaladda Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle?

Sawirka Baraha Bulshada Magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe waxaa ka socda diyaar garowga doorashada xildhibaanada 2 aad ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyada oo ay halkaasi gaareen wufuud kale duwan oo ka soo baxay magaaladda Muqdisho ee caasimadda wadanka. Gudoomiyaha barlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa shalay gaaray magaaladda Jowhar waxaana socdaalkiisa ku wehlinaayay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha dhexe Axmed Mayre Makaraan,…

Kenya oo ciidamo lagu tababaray xaallad Coronavirus ah u soo

Taliska ciidamada difaaca Kenya ee looyaqaano KDF ayaa diyaarinaya 600 oo ciidamo dheeraad ah kuwaasoo ay ku biirinayaan cutubyadooda qaybta ka ah Howlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM. Sidda uu Qoray bogga Pulselive, askartan ayaa noqonaya dufcadii koowaad ee lagu tababaro mar-xalad ay jirto aafada caalmiga ah ee Covid 19, waxaana tababaraya ciidamo British ah, sidda ku xusan warbixinta. Safaaradda Ingiriiska ee Kenya oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa…

Maalinta Dhimirka Adduunka oo maanta la maamuusayo! –

10-ka Oktoobar waa mid kamid ah maalmaha loo goonida yeelay munaasabadaha sanad waliba la maamuuso oo ay diiwaangelisay Qaramada midoobay si lamid ah maalmaha badan ee ku jira Bilaha sanadka! Bilawga maalintaan waa sanadkii 1992-dii, waxaana saxiixay oo u codeeyay 150 waddan oo caalamka ah si loo maamuso sanad waliba marka la gaaro 10-ka Oktoobar “Maalinta Caafimaadka Dhimirka Adduunka!”. Inta lagu guda jiro Munaasabadda Waxaa lasoo bandhigaa dhibaatooyinka dhanka dhimirka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More