Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Daawo: Jawaari oo raali gelin u diray madaxweynaha Jabuuti -…

Muqdisho (Axadle) – Guddoomiyihii hore baaralamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadal ka jeediyey munaasabad maanta lagu sagootinayey safiirkii dalka Jabuuti u joogay Soomaaliya ayaa raali gelin u diray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisa reer Jabuuti. Aadan Xasan Aadan oo sanadihii lasoo dhaafay madax ka ahaa safaaradda ay dowladda Jubuuti ku leedahay Soomaaliya ayaa maanta laga sagootiyey Muqdisho, maadaama uu dhamaaday mudo xileedkiisii safiirnimo. Prof. Jawaari oo qeyb ka ahaa…

Xog: Ciidamo galay xafiiska guddiga difaaca BF, xog badanna …

Muqdisho (Axadle) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Axadle u sheegay in ciidamo ay u dhaceen xafiiska guddiga difaaca golaha shacabka Soomaaliya, oo waday baaritaan la xiriira dhallinyarada Soomaaliyeed ee askar ahaanta loogu qaaday dalka Eritrea. Ilo-wareedyada oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaatay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdiweli Ibraahim Muudey ay galeen xafiiska dhowr maalmood kahor,…

Xog: Rooble oo qaaday tallaabo muujineysa inuu u dhaxeeyo Fa…

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi farsamo oo ka kooban illaa 7-xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doona arrimaha doorashooyinka ee dhawaan la filayo inay ka dhacaan dalka. Guddiga ayaa si gaar ah xafiiska ra’iisal wasaaraha uga taageeraya arrimaha doorashooyinka oo xal waara laga gaaray daba-yaaqada bishii hore, kadib dadaallo uu sameeyey Rooble. Sida ay ogaatay Axadle,…

Midowga musharaxiinta oo dalab adag soo saaray kadib go’aank…

Muqdisho (Axadle) – Midowga Musharaxiinta ayaa si rasmi ah usoo dhoweeyey shaqada hordhaca ah ee ay qabteen Guddiga xaqiiqo raadinta ah ee uu magacaabay ra’iisal wasaare Rooble, kuwaasi oo loo xil saaray kala shaandheynta xubnaha dacwada laga keenay ee guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed. Guddigaas ayaa go’aamiyey in 34 xubnood laga saaro guddiyada doorashada, hase yeeshee waxay ka tageen 33 xubnood oo kale oo ka mid ahaa…

Yuusuf Garaad oo farriin u diray xubnihii laga saaray guddiy…

Muqdisho (Axadle) – Yuusuf Garaad oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka hadlay xiisada ka taagan guddiga doorashada oo dhawaan qaar kamid ah dib loogu celiyay dhinacyadii soo magacaabay, halka kuwa kale lagu waayey eedeyntii ay u jeediyeen mucaaridka. Yuusuf Garaad ayaa dhinacyada u soo jeediyay in natiijada kasoo baxday dacwadii guddiga doorashada aysan niyad jab ku noqon, islamarkaana ay u arkaan sida…

Muxuu Emmanuel Macron ka yiri dharbaaxadii lagu dhuftay? – C…

Paris (Axadle) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa hoos u dhigay muhiimadda kuna qeexay “mid kali ah” dhacdadii shalay ka dhacday gobolka Drome ee dalkaas, halkaasi oo qof shacab ah uu wejiga dharbaaxo kaga dhuftay. Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada iyo taleefishinka BFM ayaa muujiyey Macron oo kusoo dhowaanaya meel ay taagan yihiin dad kadibna salaamaya nin ka mid ah, hase yeeshee kaasi oo salaanta beddlekeeda dharbaaxo wejiga…

Sanbaloolshe oo sharaxay sida Farmaajo uga shaqeeyey khilaaf…

Muqdisho (Axadle) – Taliyihii hore ee Hey’adda Nabad-sugida NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigiia dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka shaqeeyey inay dhexdooda isku soo jeestaan xubnihii mucaaradka ahaa ee sida wadajirka ah uga soo horjeeday nidaamkii Farmaajo. Sanbaloolshe oo la hadlay Telefashinka Universal ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka ay noqdeyn jabhado aakhiritaankii dhexdooda…

Dagaal saacado badan qaatay kadib Al-Shabaab oo la wareegtay…

Daynuunay (Axadle) – Dagaal saacado badan qaatay ayaa ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ku dhex maray Deegaanka Daynuunay oo Magaalada Baydhabo u jirta qiyaastii 26km. Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan oo seddex jiho ah kusoo qaaday saldhigga ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Daynuunay, wuxuuna dagaalka oo ahaa mid la isku…

Turkiga oo aqoonsaday 41 Jaamacadood oo ku yaalla Soomaaliya…

Ankara (Axadle) – Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday  liiska illaa 41 jaamacadood oo ku yaalla gudaha Soomaaliya, kuwaas oo helay aqoonsiga dalkaasi, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hay’adda Tacliinta sare ee Turkiga ee loo yaqaano YOK. Liiska jaamacadaha lasoo dhigay oo ku kala yaalla magaalooyinka waa weyn dalka ayaa maray hannaankii saxda ahaa is-diiwangelinta, sida lagu sheegay warbixinta hay’adda. Sidoo kale liiskan ayaa waxaa loo…

Jubbaland oo war xasaasi ah kasoo saartay askarta Soomaaliye…

Muqdisho (Axadle) – Wasiirka qorsheynta dowlad goboleedka ee Jubbaland Mudane Mursal Khaliif oo ka qeyb-galay dood gaar ah ayaa ka hadlay arrimaha ciidamada Soomaaliyeed ee la sheegay in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, isaga oo caddeeyey mowqifka Jubbaland ee ku aadan arintaasi. Mursal ayaa marka wax laga xumaado ku tilaamay in askar Soomaaliyeed oo loo qaaday in loo soo tababarayo qarankooda…