Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Saameynta biyo-xireenka Webiga NILE ee Ethiopia oo

Addis Ababa (Axadle) – Biyo-xireenka weyn ee Ethiopia ay ka sameysay Nile-ka Bulugga ah ayaan sanadkan wax saameyn ah ku yeelan qulqulka biyaha ee Sudan, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Sudan. Ethiopia ayaa sanado badan ku bixisay wada-hadallo xasaasi ah oo biyo-xireenka oo ay ku kacday $5 bilyan kala gashay Masar iyo Sudan, oo labaduba uu webiga maro, kana cabsi qaba inay yaaradaan biyaha soo gaara. Hase yeeshee wada-hadallada…

Akoonada wasaarad ka mid ah Puntland oo la xayiray

Garoowe (Axadle) – Waxaa sare usii kacay kiisaska musuq-maasuqa ee maamulka Puntland, kadib markii uu Hanti-dhowrka guud ee maamulkaas uu amray in la xiro akoonada Wasaaradda Waxbarashada Puntland. Qoraal kasoo baxay Hanti-dhowrka guud ee Puntland oo si gaar ah ugu socday Mas’uuliyiinta Bangiga dhexe iyo Bank-yada gaarka loo leeyahay, ayaa lagu wargeliyay in gebi ahaanba la joojiyo lacag ka saarista akoonadaa, ilaa amar dambe. “Waxaa si xushmad…

Xogta ninkii Soomaaliga ee shalay weerarka ka

Darussalam (Axadle) – Xog cusub ayaa laga helayaa nin la sheegay inuu yahay Soomaali oo shalay weerar dhimasho leh ka fuliyey agagaarka safaaradda Faransiiska uu ku leeyahay magaalada Darussalam ee dalka Tanzania. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay saddex sarkaal oo boolis ah iyo askari ilaalo gaar ahaa, kahor inta aanay ciidamada ammaanka toogasho ku dilin ninka weerarka soo qaaday. Ilo-wareedyo amni ayaa maanta bixiyey xog ku saabsan ninka…

Wararkii ugu dambeeyey qaraxyada Kabul iyo tirada

Kabul (Axadle) – Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa ku dhintay labada qarax ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha militariga. Wararka ayaa sheegaya in saddex askari oo kale oo Mareykan ah lagu dhaawacay weerarka oo isgu jiray laba qarax iyo weerar toos ah oo uu fuliyey qof hubeysan. Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby ayaa bayaan…

Askar Mareykan ah iyo 60 qof oo kale oo ku la’day

Kabul (Axadle) – Ugu yaraan 10 askari oo ka tirsan ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa ku dhintay labada qarax ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha militariga. Wararka ayaa sheegaya in tiro kale oo Mareykan ah lagu dhaawacay weerarka oo isgu jiray laba qarax iyo weerar toos ah oo uu fuliyey qof hubeysan. Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka John Kirby ayaa bayaan uu soo saaray…

Askar Mareykan ah oo lagu laayey qaraxyada Kabul

Kabul (Axadle) – Ugu yaraan 12 askari oo ka tirsan ciidamada Marines-ka Mareykanka ayaa ku dhintay labada qarax ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha militariga. Wararka ayaa sheegaya in tiro kale oo Mareykan ah lagu dhaawacay weerarka oo isgu jiray laba qarax iyo weerar toos ah oo uu fuliyey qof hubeysan. Mid ka mid ah qaraxyada ayaa waxaa fuliyey qof is-miidaamiyey oo soo…

DEG DEG: Al-Shabaab oo dib u qabsaday Camaara iyo

Camaara (Axadle) – Dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab ayaa maanta dib u qabsaday deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka Mudug, oo ay ka mid yihiin Bacaadweyne iyo Camaara. Xog ay heshay Axadle ayaa sheegeysa in Al-Shabaab ay qabsashadan u suurta-gashay kadib markii deegaanadaas ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaas ay hadda ku sugan yihiin maleeshiyo badan oo aad u…

DEG DEG: Qarax labaad oo ka dhacay garoonka Kabul

Kabul (Axadle) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa laba qarax oo waa weyn oo ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Kabul ee dalka Afghanistan, halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka iyo NATO. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka John Kirby ayaa sheegay in mid ka mid ah qaraxa uu ka dhacay albaabka Abbey Gate. Qaraxa labaad ayaa isna ka dhacay meel 200m u jirta isla albaabkaas. Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geerriyootay, 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyada oo uu fuliyey qof…

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilkii Nuur Cumar

Muqdisho (Axadle) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil xalay Muqdisho loogu geystay Nuur Cumar Shanlow, oo ahaa qof shacab ah balse ay kooxdu sheegtay inuu ka tirsanaa dowladda Soomaaliya. Dilka Nuur Cumar ayaa ka dhacay xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenley, waxaana gaystay koox hubeysan oo goobta ka baxsatay kadib markii ay fuliyeen. Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab, oo lagu sheegtay dilkan, ayey sidoo kale kooxda ku sheegtay in Nuur…

10 sano kadib, saddex waxyaabood oo uu Turkiga

Wax ka qabashada macluusha, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, taageerada hay’adaha dowladda  iyo gargaarka bini aadanimo ee Turkigu u fudiyay Soomaaliya ayaa laga xusay Muqdisho iyo Ankar 10 sano ka dib markii Turkigu ku soo biiray Soomaaliya. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa u dabaal dagay xiriirkooda soo koraya oo ka billowday booqashadii taariikhiga eheyd ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan uu ku yimid Muqdisho oo ay dagaalladu aafeeyeen…