Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Akhriso Xogtii Ugu Dambaysay Ee Xaalada Dhaawac Ee Sergio

Kooxda Real Madrid ayaa si ba’an uga wer-wer qabta xaalada kabtanka ahna hoggaanka kooxdeeda ee Sergio Ramos oo dhaawac qaba xilli ay berrito kulan adag booqan doonaan dhigooda Barcelona ciyaarta xiisaha badan ee El-Clasico.Ramos ayaa ahaa mid banaanka ka ah garoonka mudo tan iyo markii uu dhaawaca jilibka ahi gaadhay ciyaartii Cadiz ee Sabtidii hore isagoo intaas kaddib tababarka kusoo laabtay balse gaar u tababaranayay.36 sano jirkan ayaa la bedelay wakhtigii nasashada ee kulankii ay Cadiz guuldarrada kala kulmeen Sabtidii…

“Miyaad Doonaysaa In Ronaldo Diyaar U Noqdo Kulanka

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka hadlay haddiiba uu doonayo in ninka ay saaxada ugu sarreysa kubadda cagta mudada dheer kusoo loolamayeen ee Cristiano Ronaldo uu diyaar u noqdo kulanka adag ee ay toddobaadka dambe Juventus booqanayaan.35 sano jirkaas ayaa ahaa mid markasta iska inkira da’diisa weyn oo hoggaan u ahaa Juventus balse waxa jirta suurogalnimo aad u sarreysa oo uu kaga maqnaan karo ciyaarta Barcelona kaddib markii laga helay xanuunka Korona.Juventus ayaa aad u doonaysa in Ronaldo uu uga qayb qaato…

Jamaahiirta Oo Loo Ogolaaday Inay Garoonka Yimaaddaan

Kulanka ugu dambeeya marxaladda Groups-ka ee ay ku ballansan yihiin Barcelona iyo Juventus ee dhici doona December 8 ayaa loo ogolaan doonaa inay taageereyaashu dib ugu soo laabtaan garoonka oo ay ka daawadaan ciyaarta.Sida ay ku warrantay Agencia EFE, ciyaartan oo ka dhici doonta garoonka Barcelona ee Camp Nou, noqona doonta kulanka lixaad ee ugu dambeeya Groupkan ayay dawlad goboleedka Catalonia u ogolaan doontaa inay daawadaan taageereyaal cayiman oo raacaya tilmaamaha ilaalinta badqabka ee loo dejiyey xakamaynta xanuunka…

Kulanka Garsooreyaasha Premier League Oo Dib Loogu Eegi

Go’aankii muranka dhaliyey ee aan kaadhka cas lagu siinin goolhaye Jordan Pickford kulankii sabtidii ee Merseyside derby ayaa lagu soo qaadi doonaa shirka guud ee garsooreyaasha Premier League ee soo socda.Goolhayaha Everton ayaa ka badbaaday in lagu ciqaabo taako adag oo uu ku qabtay difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk oo uu u geystay dhaawac uu ku maqnaanayo inta ka hadhay xili ciyaareedkan.Liverpool ayaa si weyn uga cabatay in garsooraha dhexe ee kulankaas ee  Michael Oliver uu kaadh cas siin waayey Pickford, isla…

Rikoodhka Layaabka Leh Ee Zidane Ku Haysto Garoonka Camp

Zinedine Zidane ayaa u kaxaynaya ciyaartoyda Real Madrid garoonka Camp Nou oo ay berri ka dhici doonto ciyaarta ugu horreysa El Clasico xili ciyaareedka 2020/21 xilli uu ku jiro waqtigiisii ugu adkaa ee tababarenimo.Macallinka reer France ayaa ka shaqaynaya in ciyaartoydiisa uu kusoo celiyo jidka guusha kaddib guul-darrooyin isku xigay iyo suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii aanu is-joojin ku samaynin safkiisa.Wargeyska Marca oo kulankan iyo mustaqbalka Zidane wax ka qoray ayaa sheegay in tababare ZIZOU uu mustaqbalkiisu ku…

Mesut Ozil Oo Magacaabay AFARTII Xiddig Ee Ugu Wanaagsanaa

Mesut Ozil ayaa tilmaamay afartii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa Arsenal kulankii xalay ay guusha xilliga dambe ah ka gaadheen naadiga Rapid Vienna oo gool kala hor maray.Arsenal ayaa xalay ku sugnayd waddanka Austria oo ay kulankeeda ugu horreeya ee tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan isku haleeleen Rapid Vienna, taas oo ay kaga soo adkaatay 2-1.Kulankan oo ka dhacay garoonka Allianz Stadion, waxa Arsenal laga dhaliyey bilowga qaybta dambe kaddib markii uu goolhaye Bernd Leno sameeyey qalad, laakiin David Luiz ayaa u…

Tottenham, Leicester & AC Milan Oo Guulo Gaartey, Celtic &

Tottenham ayaa guul 3-0 ah ku bilaabatay tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan, waxaanay meel iska saartay naadiga yar ee LASK, taas oo uu Gareth Bale markii ugu horreysay ugu soo bilowday kooxdiisa cusub.Tababare Jose Mourinho ayaa nasiyey xiddigihiisa waaweyn sida Harry Kane oo aan ciyaartaba soo gelin iyo Son oo uu beddel ku keenay, waxaana uu fursad siiyey Gareth Bale oo goolka labaad ee kooxdiisu heshay oo ay LASK iska dhalisay isagu soo laaday kubadda.Tottenham ayaa daqiiqaddii 18aad hoggaanka u qabatay ciyaarta,…

Saadaasha Khabiirka Mark Lawrenson Ee Kulamada Usbuuca 6aad

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo wali ku jira kulamadii ugu horreeyay ayaa maraya meel xiiso badan, waxaana toddobaadkan ballansan kooxo waaweyn oo ay ugu mudan tahay kulanka ay ku ballsan yihiin Manchester United iyo Chelsea oo Sabtida dhici doona. Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo guul muhiim ah ay kooxdiisu kasoo gaadhay PSG oo Salaasadii ay ugu tagtay Paris, ayaa waxay qaabbili doontaa Chelsea oo barbarro lasoo gashay Sevilla, sidoo kalena ay dhibcaha wadaageen Southampton ciyaartoodii toddobaadkan.…

SHANTA Qalad Ee Waaweyn Ee Zinedine Zidane Sameeyey,

Guul-darradii Shakhtar Donetsk ay u xambaarisay Real Madrid Khamiistii, waxay bannaanka soo dhigtay xaaladda  adag ee uu ku jiro tababare Zinedine Zidane oo ay durba shaqadiisu halis ku jirto. Los Blancos oo laba guul-darro iskugu xigeen, usbuucan horraantiisiina ay Cadiz isla garoonka Estadio Di Stefano 1-0 ugu dhiibtay ka hor intii aanay Shakhtar oo iyaduna garoonkan timid ku garaacin 3-2, ayaa waxa durba la sheegayaa in Zinedine Zidane uu ku dhow yahay in shaqada laga caydhiyo. Real Madrid ayaa Sabtida u tegi doonta…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More