Madaxweynihii Barcelona Iyo Dhamaan Madaxdii Kale Ee Kooxda
Madaxweynihii kooxda kubadda cagta Barcelona iyo dhamaan masuuliyiintii kale ee kooxda ayaa ku dhawaaqay inay iscasileen kaddib muddo qalalaase ay kusoo jireen oo ugu dambayntiina la go’aamiyey in codka kalsoonida loo qaado.
Madaxweyne Josep Maria Bartomeu iyo xubnaha boodhka sare ee kooxda ayaa dhamaantood si rasmi ah isku-casilay, taas oo la filayay illaa maanta inay dhacdo.
Josep Maria Bartomeu ayaa xalay ku adkaystay in aanay qorshihiisa ku jirin inuu shaqada iska casilo, sidoo kalena waxa uu ka dalbaday Dawladda Catalonia in la joojiyo codka kalsoonida loogu qaadayo oo ay muuqato inuu ku dhici doono, kaas oo loo go’aamiyey in la qabto November 2 iyo 3.
Iscasilaaddan oo kusoo beegantay xilli ay Barcelona u duushay waddanka Talyaaniga oo ay kula soo ciyaarayso Juventus, ayaa waxay ka dambaysay muran iyo khilaaf soo taagnaa bilihii ugu dambeeyey oo canaanta ugu weyn dusha looga tuuray Bartomeu iyo madaxdiisa.
Barcelona ayaa qalalaasuhu kusoo bilowday markii ay Bayern Munich 8-2 kusoo bahdishay tartankii Champions League ee xili ciyaareedkii hore, taas oo ay ugu xigtay in Lionel Messi uu dalbaday inuu iska tago, halka dersin kale oo ciyaartooyo uu ku jiro Luis Suarez ay iyaguna ka baxeen Camp Nou.
Inkasta oo Josep Maria Bartomeu uu ku guuleystay inuu Lionel Messi kusii hayo kooxda, haddana waxa soo gudbiyey codsi ah in mooshin xilka lagaga xayuubinayo loo qaado Madaxweynaha dad ay tiradoodu ka badan tahay 2600 qof, halka sharcigu uu ogolaanayay 16,250 qof.
Warbaahinta Spain ayaa xaqiiqada iscasilaadda Bartomeu iyo xubnaha guddida maamulka ee boodhka sare baahisay hadda, laakiin waxay ku maqan yihiin oo ay sugayaan war la filayo in kooxdu kasoo saarto arrintan.
Josep Maria Bartomeu ayaa laga sugayaa inuu soo saaro war-saxaafadeed rasmi ah oo uu kaga hadlayo iscasilaadda uu ku dhawaaqay, sidoo kalena kooxda ayaa dhinaceeda u soo saari doonta war ay ku xaqiijinayso arrintan.