Michael Owen Oo Saadaaliyey Kulamada Champions League Ee

Manchester United ayaa rajaynaysa inay sii wadi doonto guusha Champions League oo ay mar kale libin kasoo hoyn doonto kulanka RB Leipzig ee Arbacada habeen dambe, taas oo ay uga sii horreysay PSG oo ay ciiyaartii koowaad marti ugu noqotay magaalada Paris ayna kusoo dhufatay 2-1.

Weeraryahankii hore ee Manchester United ee Berbatov, ahna safiirka kooxda ee waqtigan iyo xiddigii Liverpool, Real Madrid iyo Manchester United ee Mikel Owen ayaa ciyaarta Red Devils ay habeen dambe kusoo dhoweynayso RB Leipzig waxay ku saadaaliyeen inay ku dhamaan doonto 1-1 oo barbarro ay wada geli doonaan.

Michael Owen waxa uu guul usii sheegay kooxdiisii hore ee Liverpool oo ciyaartii hore 1-1 dirqi ah kusoo dhaaftay kooxda reer Netherlands ee Ajax, laakiin caawa la ciyaari doonta FC Midtjylland oo Denmark ka dhisan.

Kooxdan yar ayaa usbuucii hore guul-darro 4-0 ah loogu soo xambaariyey waddanka Talyaaniga oo ay marti ugu noqotay Atalanta.

“Midtjylland qurubyo ayay u kala daadatay ciyaartii ay garoonkeeda jootay ee Atalanta, marka ay yimaaddaan Anfield na, qaabkii oo kale ayay ahaan doonaan, waxaanay ku noqon doontaa habeen aad ugu dheer.” Ayuu yidhi Owen.

Chelsea oo kulankeedii hore barbarro goolal la’aan ah ay ku kala baxeen Sevilla oo ugu timid magaalada London ayuu Owen u sheegay inay 2-0 ku karbaashi doonto FC Krasnodar.

Dhinaca kale, Manchester City ayaa guushii labaad ee Champions League ah diiwaangashan doonta marka ay caawa iska hor yimaaddaan Marseille oo ay ku kulmayaan Faransiiska, sida oo Michael Owen saadaaliyey.

“Marseille waxay guul-darraysatay ciyaarteedii hore ee Champions League ee ay u tagtay Olympiacos, waxaana inkasta oo ay ka niyad-jabsanaan doonaan taas ay haddana rajaynayaan inay garoonkooda dib ugu soo laabtaan. Waxaan se rajaynayaa inay ku noqon doonto ciyaar kale oo adag, waxaanay ila tahay inay City ay iskugu filan tahay inay libinta hesho.” Ayuu yidhi Owen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More