AC Milan ayaa guul ay ku rafaadday ka gaadhay kooxda ay isku magaalada iyo garoonkaba yihiin ee Inter Milan, taas oo ay ku garaacday 2-1.Zlatan Ibrahimovic ayaa AC Milan u dhaliyey laba gool oo saddex daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen oo qaybta hore ahaa, waxaana midka hore uu ahaa rikoodhe loo dhigay daqiiqaddii 10aad oo uu goolhaye Samir Handanovic ka qabtay, laakiin uu kubadda dib ugu celiyey oo uu dhaliyey.Goolka labaad ayuu dhaliyey daqiiqaddii 16aad ee ciyaarta waxaanay ahayd kubbad ka timid dhinaca bidix oo uu soo…