Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Toni Kross Oo Shaaciyay Xog Ku Saabsan Mustaqbalkiisa Real

Toni Kross ayaa go`aamiyay mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid ka dib markii uu ka soo muuqday shirka jaraa`id ee ka horeeya kulanka ay habeen dambe la ciyaarayaan MönchengladbachKulankaas ayaa ka tirsan wareegga labaad ee Group-yada Champion-ka waxa uuna ka dhacayaa garoonka kooxda reer Jarmal“Waxaan mar waliba jeclahay in aan ku laabto Jarmalka balse run ahaantii halkaan ayaan ku raaxeystaa ” ayuu yiri Kross“Dalabyo kala duwan ayaan helay balse waligeey kooxahaas lama aan hadlin waayo waxaan doonayaa in aan ciyaaraha uga…

Pogba Oo Si Cad Uga Hadlay Waxa Ka Jira In Uu Ka Fariistay

Qadka dhexe kooxda Man United ee Pogba ayaa jawaab ka bixiyay warbxino waqti sii horeeyay oo isniintii soo baxay oo sheegayay in uu ka fariistay ciyaraaha heerka caalami ee qarankiisa France .Wargeyska The Sun ayaa soo daabacaday in Pogba uu go`aansaday in mar dambe qaranka France uusan u ciyaarin waliba uu ka carooday hadaladii madaxweyanaha France ee ka dhanka ahaa Islaamka .Pogba ayaa bartiisa instagram-ka soo dhigay qoraal ah ” Mar kale The Sun been weyn ayay soo daabacday , wax ka jira malaha waxa ay qortay , ma jirto…

Miyuu Aguero Seegayaa Kulanka Champion-ka Ee Marseille Iyo

Tababaraha kooxda Man City ee Pep ayaa shaaca ka qaaday liiska ciyaartooydiisa ee kulanka Marseille ee Champion-kaMan City ayaa kulankoodii ugu horeeyay Champion-ka waxa ay guul ka gaareen FC Porto xilligaas oo ay ku garaaceen 3/1Liiska City ee kulakaas waxaa ka maqnaaday Sergio Ramos oo la xaqiijiyay in uu dhaawacan yahay kaasi oo lagu haleelay kulankii ugu dambeeyay ee West Ham ee horyaalka xilligaas oo ay bar bar dhac galeenIlo wareedyo ayaa horay u tilmaamayay in laacibkaas uu ka maqnaanayo garoomada dhowr kulan oo soo…

Shaqada Mikel Arteta Ee Arsenal Oo Lala Bar-Bardhigay Midii

Tababaraha wakhtigan ee kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa lala bar-bardhigayaa midkii shaqada uga horreeyay ee Unai Emery iyadoo ay kasoo baxayso xog lama filaan ah oo muujinaysa sida uusan Arteta wax muuqda uga bedelin kooxdaasi.Iyadoo ay Arsenal ku faraxsan tahay haatan inay dib u fadhiisato oo ay wakhti siiso khadkeedii dhexe ee hore haddana calaamadaha horumarka ayaan ahayn kuwo wax fiican muujinaya.Isbar-bardhig hadda lagu sameeyay min 38-kii kulan ee ugu horreeyay ee ay Arteta iyo Emery ciyaareen ayuu tababaraha…

“Miyaad Ka Hinaastay In Liverpool Ay Premier League Qaaday

Tababaraha haatan ee kooxda Rangers ahna halyeeyga Liverpool ee Steven Gerrard ayaa ka hadlay dareenkiisii markii ay kooxdiisii hore ku guuleysatay horyaalka Premier League iyo haddiiba uu in yar oo hinaase ah dareemay maadaama oo uusan ka tirsanayn wakhtigaas.Gerrard ayaa ah halyeey Liverpool ah balse aan marnaba awoodin inuu kooxdiisa ku hoggaamiyo inay ku guuleysato Premier League wakhtigiisii kubadda cagta.Shaqsiga darajadaas ka tababare ahaan ugu hoggaamiyay Liverpool ayaa ah tababaraha ree Germany ee Jurgen Klopp…

“Isagu Waa Tartame, Waxaan Rajaynayaa…” – Kabtankii Arsenal

Kabtankii hore ee kooxda Arsenal ee Laurent Kosceilny ayaa markiisa ka hadlay xaalada uu kooxdaas kaga jiro ciyaaryahankii ay kasoo wada tirsanaayeen kooxda ee Mesut Ozil oo uu go’aan adag ka qaatay tababaraha haatan ee Mikel Arteta.Arteta ayaa qaab adag ula dhaqmay xiddiga ree Germany isaga oo ka saaray safafka uu kaga qayb galayo horyaalka Premier League iyo tartanka UEFA Europe League walow uu 350,000 oo Pound toddobaadkii mushahar ahaan uga qaato.Go’aanka uu gaadhay Arteta ayaa dhaliyay inay dagaal adag oo dhinaca afka…

Sergio Ramos Ma Yahay Daafaca Ugu Fiican Abid Kubadda Cagta?

Hal maalin kaddib guushii weyneyd ee 3-1 ka ahayd ee ay kooxdiisa Real Madrid kasoo hoysay dhigeeda Barcelona, shabakadda caanka ah ee bixisa Ballon d’Or ee France Football ayaa akhristayaasheeda weydiisay haddii uu kabtan Sergio Ramos yahay daafaca abid ugu wanaagsan kubadda cagta.Ramos ayaa sii wada inuu qabsado boggaga hore ee saxaafada ka faaloota kubadda cagta kaddib guushii kooxdiisa isaga oo kamid ahaa xiddigaha shabaqa Barcelona gaadhay kaddib rigoorihii uu dhaliyay.France Football ayaa akhristayaasheeda weydiisay…

SADDEX Ciyaartoy Oo Kooxo Waaweyn Oo Premier League Ka

Saddex ciyaartoy oo kooxaha waaweyn ee horyaalka Premier League ka tirsan ayaa ku dhacay baadhitaanka DAROOGADA xili-ciyaareedkii hore ee 2019-20, sida ay kashiftay warbixin sir ah oo lasoo saaray.Wargeyska caanka ah ee The Athletic ee looga dambeeyo dhinaca ciyaaraha ayaa waxa uu sheegay in saddex ciyaartoy laga helay jidhkooda inay ku jirto daroogo laakiin aan si dhab ah loo xaqiijin inay jabiyeen sharciga, taas darteedna ay Hay’adda la-dagaallanka Maandooriyaha ee (UK Anti-DopinG UKAD) ay u ogolaatay inay ciyaari…

Liverpool Oo Ka Guuraysa Garoonkeeda Tababarka Ee Melwood &

Liverpool ayaa ugu dambayn ka guuri doonta garoonkeeda tababarka ee Melwood, waxaanay tegaysaa garoon cusub oo ay ciyaartoydu ku tababaran doonaan oo dhowaan ay ku dhisteen lacag ka badan £50 milyan oo Gini.Xarunta cusub ee tababarka oo lagu magacaabo Kirkby ayay bisha dambe ciyaartoyda iyo tababareyaashuba iska xaadirin doonaan, taas oo qorshuhu ahaa in waqti hore loo wareego balse xanuunka Korona Fayras darteed dib loogu dhigay.Reds ayaa iibisay xarunteeda guunka ah ee Melwood ee ay muddada dheer kusoo qaadanaysay…

Barcelona Oo La Timid Xeelad Ay Bartomeu Iyo Guddida

Maamulka kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa maanta warqad gaadhsiiyey Peres Aragones oo ah Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Catalonia, taas oo si cad loogaga dalbanyo in la joojiyo mooshinka codka kalsoonida loogyu qaadayo madxweynaha Josep Maria Bartomeu iyo guddidiisa maamulka kooxda.Isniintii maanta ayay idaacadda RC daboolka ka qaaday in Pere Aragones uu helay warqadda codsiga  ah ee uga yimid Madaxda Barcelona xilli la dardar geliyey in xilka laga qaado, isla markaana si buuxda loo ansixiyey in mooshankani dhaqan-gal…