Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Mishiinka Cusub Ee Zidane Ka Istaadhay Real Madrid, Xiddiga

Markii ay BBC-dii weerarka ee Karim Benzema, Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo ay dhalinayeen goolasha ugu badan ee Real Madrid ee ay sida xidhiidhka ah kooxdu ugu guuleysatay saddexda Champions League, saddexda ciyaartoy ee khadka dhexe ee Casemiro, Toni Kroos iyo Luka Modric ayaa ahaa fureyaasha iyo maskaxda uu isticmaalayay Zinedine Zidane.Tan iyo intii ka dambaysay finalkii Champions League ee 2018 ee magaalada Kiev, labadan qaybood ee muhiimka u ahaa guulaha Real Madrid ba hoos u dhac iyo burbur ayaa ku yimid. Weerarka…

Bruno Fernandes Oo Saamayn Wanaagsan Iyo Mid Xunba Ku

Bruno Fernandes oo Manchester United kusoo biiray bishii January ee sannadkii hore, waxa uu isbeddel ku sameeyey qaab ciyaareedkii kooxda, isagoo dib usoo nooleeyey rajada taageereyaasha ee marka hore niyad-jabka ka qabay in xataa ay awoodi doonaan inay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan qayb ka noqon karaan.26 jirkan ayaa dhaliyey lix gool, shan kalena caawiye ka noqday 11kii ciyaarood ee ugu horreeyey ee uu u saftay Manchester United, waxaana layaab ahayd sida degdegga ah ee uu ula qabsaday iyo maskaxda…

Sergio Ramos Oo Laga Bedelay Shirkii Jaraa’id Ee Spain Ee La

Kabtanka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Sergio Ramos ayaa lagu soo warramayaa in laga bedelay qorshihii ahaa inuu saxaafada soo hor fadhiisto kahor kulanka uu xulkiisu la ciyaarayo dhigiisa Germany kulan Nations League ka tirsan.Xiddiga lagu bedelayo Ramos oo ay saxaafadu aad u sugaysay inay su’aalo weydiiyaan ayaa noqon doona khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Rodrigo Hernandez.Kahor inta aan isbedel xilli dambe ah lagu samaynin shaqsiyaadka saxaafada usoo hor fadhiisanaya xulka La Roja, Sergio iyo…

Daad-Madheedh Oo Guul Dahabi Ah Ka Gaartey Maroodi-Jeex

Xulka gobolka daad-madheedh ee uu hoggaanka u ahaa tababare diri-dhaba ayaa ugu dambayn kusoo guuleystay koobka tartanka gobollada Somaliland ee muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday caasimada Hargeysa.Tartankan oo ahaa mid xiisihiisa watay qaab hamsami lehna uga soconayay Hargeisa Stadium ayay kulanka kama dambaysta ah galabta fooda isku dareen xulalka gobolada Maroodi-Jeex iyo Daad-Madheedh.Kulankan oo kusoo dhammaaday 2-1 ayaa ahaa mid aan lagu kala bixin ilaa daqiiqadihii ugu dambeeyay iyadoo ay labada dhinacba soo…

Manchester City Oo Cabasho Ka Gudbisay Sky Sports Ka Dib

Manchester City ayaa cabasho u gudbisay Sky Sports ka dib markii khabiirkooda Roy Keane uu ku tilmaamay Kyle Walker ‘doqon’ intii ay socotay kulankii ay isbuucii la soo dhaafay la ciyaarayeen kooxda Liverpool.Walker oo 30 sanno jir ah ayaa qalad laga maarmay ku galay Sadio Mane kulankii Etihad taasoo Liverpool hadiyad u siiyay rigoore ay hogaanka ku qabteen.Halyeeyga Man United Roy Keane oo 49 sanno jir ah ayaan la gabanin aragtidiisa ku aadan daafaca midig ee England.Laakiin sida ay sheegtay Daily Mail, inkastoo Man City…

Manchester City Oo Sky Sports U Cabatay, Roy Keane Oo Ay Ka

Kooxda Manchester City ayaa ka cadhootay hadal xoogan oo uu khabiirka kanaalka Sky Sports ee Roy Keane ahna halyeeyga kooxda ay xifaaltamaan ee Man United uu ku sifeeyay daafaceeda midig ee Kyle Walker.Keane ayaa eedayn cadaan ah u jeediyay Kyle Walker kaddib markii uu rigoore ku galay Sadio Mane kulankii Liverpool ay kahor tageen toddobaadkii hore ee 1-1 kusoo dhammaaday.Mar la weydiiyay sida uu Mane rigooraha kaga helay City ayuu Keane ku jawaabay “Sababtoo ah waxa uu kahor tagay doqon, waxa uu sii wadaa inuu sameeyo…

Talaabada Barcelona Qaaday Ee Uu Waalida U Arko & Halyeey

Halyeeyga kubadda cagta Talyaaniga ee Antonio Cassano ayaa dareenkiisa ka dhiibtay xaalada kooxda Barcelona gaar ahaan xaqiiqada ah inay suuqii xagaaga fasaxeen weeraryahan Luis Suarez iyagoo booskiisii weeraryahanka dhexe Antoine Greizmann u adeegsanaya.Cassano ayaa ahaa mid kamida martida TV-ga Bobo oo ah barta Instagram-ka ee saaxiibkiisii Talyaaniga ee Christian Vieri kaas oo halkaas waraysiyo  kaga qaada xiddigihii ay hore koox wadaaga usoo noqdeen.Antonio Cassano ayaa sheegay inay waali ahayd aragtidii Barcelona ee…

Aubameyang Iyo Ciyaaryahanadda Gabon Oo Muddo LIX SAACADOOD Ah

Ciyaaryahanadda xulka qaranka Gabon ayaa muddo lix saacadood ah lagu haystay garoonka diyaaradaha ee Gambia xilli ay doonayeen inay waddankaas la ciyaaraan kulan ka tirsan isreeb-reebka tartanka African Cup of Nations.Dhacdadan oo ahayd ka hor intii aanay ciyaartu bilaabmin ee ay xiddigaha Gabon kasoo dageen garoonka diyaaradaha ayaa waxa baasabooradooda la wareegay laanta Socdaalka ee Gambia, waxaana layaab noqotay in muddo lix saacadood ah laga haystay baasaboorada oo aan loosoo celinin.Pierre-Emerick Aubameyang ayaa…

Donald Trump Iyo Kooxda Leeds United Oo Warbaahinta Iskugu

Leeds UNited ayaa baraha bulshada ugu jawaabtay Madaxweynaha muddadiisu sii dhamaanayso ee waddanka Maraykanka ee Donald Trump, kaas oo baraha bulshada ka sameeyey arrin kooxdan la la xidhiidha.Madaxweyne Trump oo weerar ku qaadayay telefishanka Telefishanka FOX NEWS waxa ereyadii qallafsanaa ee uu kusoo xusay (mention-gareeyey) ama tag gareeyey barta Twitterka ee taageerada Leeds United ee “Lifelong Leeds United”, taas oo keentay in kooxduna jawaab degdeg ah oo ku maadaysi ah ay ka bixiso.Leeds United ayaa waxay qoraal ay…

Chelsea Oo Ku Biirtay Dhibbaneyaasha Xiddigaha Ku Waayey

Jamaahiirta Chelsea ayaa ka war helay in saxeexdooda cusub ee Ben Chilwell ay suurtogal tahay inuu in muddo ah garoomada ka maqnaado kaddib dhaawac kasoo gaadhay kualnkii xalay England iyo Belgium ay ku kala baxeen 2-0, taas oo Ingiriisku kaga hadheen tartanka UEFA Nations League.Difaacan bidix ayaa dhowaan kasoo laabtay dhaawac waqti dheer uu ku maqnaa ayaa muddadii uu soo laabtay waxa uu bandhig wanaagsan ka sameeyey garoomada, isagoo 10 ciyaarood oo uu Chelsea u saftay laba gool u dhaliyey, saddex caawimoodna raaciyey,…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More