Ronald Koeman Oo Soo Saaray Xiddigaha Kooxdiisa Ee Kulanka

Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska kooxdiisa Barcelona adag ee Sabtida berri ay safarka ugu tegayaan Getafe, taas oo ay u baahan yihiin inay ku soo laabtaan jidka guusha kaddib barbarrihii ay ciyaartii ugu dambaysay la galeen Sevilla.

Tababaraha reer Netherlands ayaa shaaciyey magacyada 23ka ciyaartoy ee kulanka Getafe, waxaana ku jira difaaca bidix ee Junior Firpo oo helay ogolaanshaha dhakhaatiirta kaddib markii uu kasoo laabtay dhaawac, waxaana soo laabashadiisu ay meesha ka saartay da’yarka Konrad de la Fuente.

Barcelona ayay ciyaartan ka maqan yihiin oo aan lagu soo darin liiska xiddigaha muhiimka ah ee Jordi Alba, Ter Stegen iyo Samuel Umtiti oo dhamaantood dhaawac ah.

Miralem Pjanic oo jug kasoo gaadhay ciyaartii waddankiisa uu u saftay toddobaadkan ayaan ka qayb qaadanin tababarkii Khamiistii, sidaas oo kalena waxa seegay Trincao, laakiin labadooduba waxay kasoo muuqdeen carbiskii Jimcaha maanta oo ay si dhibaato la’aan ah ciyaartoyda kale ula qaateen tababarka.

Arnau Tenas iyo goolhayaha kooxda Barca B ee Inaki Pena ayaa lagu soo daray liiska kooxda Barcelona ee ciyaarta Getafe. Waxa kale oo uu Koeman u yeedhay Oscad Mingueza oo difaaca uga ciyaara kooxda da’yarta.

Barcelona ayaa marka kulankan ay Getafe kala dhamaadaan waxay isku diyaarin doontaa kulanka Champions League ee Ferencvaros ay usbuuca dambe la ciyaari doonaan iyo ciyaarta xigta oo ah El Clasico oo ay Real Madrid kusoo dhoweyn doonaan garoonka Camp Nou.

Akhriso liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulanka Getafe:

Dest, Piqué, Araujo, Sergio Busquets, Aleñá, Griezmann, Pjanic, Braithwaite, Messi, Dembélé, Riqui Puig, Neto, Coutinho, Lenglet, Pedri, Trincao, Sergi Roberto, De Jong, Ansu Fati, Junior, Iñaki Peña, Arnau Tenas, Óscar Mingueza.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More