Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Ka
Pep Guardiola ayaa heshiiska cusub ee uu u saxeexay kooxdiisa Manchester City, waxa uu ugu dabbaal-degi doonaa hanashada horyaalka Premier League oo ay xili ciyaareedkan ku guuleysan doonaan, sida uu saadaaliyey Supercomputer oo soo saaray saadaal cusub kaddib kulamadii caalamiga ahaa ee dhaawacyada iyo xanuunnada ay kasoo qaadeen ciyaartoyda badan.Liverpool ayaan awoodi doonin inay difaacato horyaalka ay sannadkii hore ku guuleystay, isla markaana ay kusoo afjartay 30 sannadood oo ay abaar kaga jirtay koobka.Saadaasha cusub…
Jamaahiirta Barcelona Oo Ku Xoomay Gaadhiga Greizmann, Inuu
Waxa jiray niyad wanaag badan oo ay qabeen jamaahiirta kooxda Barcelona markii ay kooxdoodu lasoo saxeexatay Antoine Greizmann sanadkii 2019 balse xaalada ayaa gabi ahaanba sidaas iska bedeshay.Barcelona ayaa mudo dheer daba socotay saxeexa Greizmann iyagoo ugu dambayn 120 Milyan oo euro kaga helay Atletico Madrid, si kastaba xiddiga ayaan noqon mid sidii laga filayay u ciyaaray.Greizmann ayaa kaliya sagaal gool kasoo dhaliyay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkiisii koowaad halka uu kaliya laba gool ka dhaliyay toddobadii…
Man United Oo Xiddig Hibo Leh Kula Tartamaysa Real Madrid
Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada…
21-ka Xiddig Ee Ugu Fiicnaan Doona Dunida 2030-ka Oo La
Waxa jira tiro aad u badan oo ciyaaryahano da’yara ah kuwaas oo hibo cajiib ah leh isla markaana sugaya inta ay Lonel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo ah kuwa jiilkan ugu wanaagsani ka hawl-gabayaan kubadda cagta.Mudo sanado laga joogo haatan, jamaahiirta kubadda cagta ayaa la yaabanaa kana hadlayay cida jagada ugu sarreysa kubadda cagta ku loolami doonta marka ay saaxada ka baxaan xiddigaha ugu wanaagsan kubadda cagta casriga ah.Kylian Mbappe ayaa u muuqda mid ku guuleysan kara dhawr Ballon d’Or, halka Erling Haaland, Jadon…
Frank Lampard Oo Xaaskiisa Ka Mamnuucay Inay Munaasibadaha
Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa qirtay inuu qoyskiisa ka mamnuucay inay sameeyaan kulamada cashooyinka ah ee dadku iskugu yimaadaan maalinta ay kooxdiisu ciyaarayso.Lampard ayaa kooxdiisa oo bandhig wanaagsan iyo guulo kusoo raaxaysanaysay ku hoggaamin doona berrito magaalada Newcastle halkaas oo ay kulanka furitaanka toddobaadka sagaalaad ee Premier League u tagayaan Newcastle United.Kulankaas ayay qasab noqon doontaa in xaaska Lampard ay rajayn doonto inay Chelsea guul soo gaadho oo ay hesho guusheedii…
SAADAASHA Mark Lawrenson Ee Kulamada Premier League, Koox
Khabiirka kubadda cagta England iyo kanaalka BBC Sport ee Mark Lawrenson ayaa saadaaliyay kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League oo ay ku jiraan ciyaaro la sugi la’yahay oo uu ugu horreeyo kulanka Jose Mourinho vs Pep Guardiola.Man City ayaa ku booqan doonta Spurs gegida Tottenham Hotspur Stadium halka kulanka kale ee xiisaha badani uu yahay midka ay kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liverpool soo dhawayn doonto kooxda horyaalka hoggaaminaysa ee Leicester City.Aan ku bilawnee Lawrenson ayaa guul u saadaaliyay…
Maxay Aheyd Hadiyadii Qaaliga Aheyd Ee Zlatan Ibrahimovic U
Weeraryahanka AC Milan Zlatan Ibrahimovic ayaa hadiyad u iibiyay xiddig kasta oo ka tirsan kooxda Talyaaniga, isagoo u soo iibiyay ciyaar gacmeedka cusub ee sida weyn loo raadinayo ee PlayStation 5.Seddex ka mid ah ciyaartoyda Rossoneri ayaa Instagram soo dhigay sawiro ay uga mahadcelinayaan hadiyada ay ka heleen 39 jirkan ka dib markii ay gacanta ku dhigeen PlayStation 5.PS5 ayaa kaliya maanta suuqa la soo dhigay iyadoo macaamiisha ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan ciyaar gacmeedkan ay sameyso shirkada Sony.Xiddigaha…
Seddex Ka Mid Ah Xiddigihii Dhaawaca Uga Maqnaa Liverpool Oo
Liverpool ayaa war wanaagsan heshay ka hor kulankooda Leicester City ka dib markii Andy Robertson iyo Fabinho ay ku soo laabteen tababarka iyagoo sarre u qaaday isku diyaarintooda kulanka Axada.Tababare Jurgen Klopp ayaa sidoo kale ku faraxsan in xiddiga khadka dhexe Thiago Alcantara inuu isna ku soo laabtay tababarka kooxda koowaad maanta oo Khamiis ah.Robertson ayaa dhaawac muruqa ah qabay intii uu ku maqnaa xulka dalkiisa Scotland.Laakiin daafaca bdiix ayaa dheelay kulankii ay guuldarada ka soo gaartay Israel, wuxuuna…
Seddexda Kulan Ee Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos
Sergio Ramos ayaa seegi doona seddexda kulan ee soo socota ee ay ciyaareyso Real Madrid, labo kulan oo horyaalka La Liga ah iyo kulanka Champions League ee ay booqanayaan kooxda Inter Milan.Baaritaan lagu sameeyay kabtanka Los Blancos ayaa lagi ogaaday inuu dhaawac ka qabo muruqa lugta midig iyadoo dhaawaca uu ka soo gaaray kulankii ay Spain 6-0 ku xasuuqeen xulka Jarmalka.34 jirkaan ayaa la filayaa inuu garoomada ka maqnaado inta u dhaxeysa 10 maalmood ilaa labo isbuuc.Daafaca Madrid ayaa ahaa mid jilicsan xilli…
Waa Kuma Xiddiga Arsenal Ee Ay Ku Dagaalamayaan Xulalka
Goolhayaha da’da yar ee Arsenal Ovie Ejeheri ayaa soo bandhigay inuu leeyahay mustaqbal weyn taasoo keentay inay ku tartamaan xulalka England, Uganda iyo Nigeria iyadoo xiddigaan uu seddex wadanba u dheeli karo.17 jirkaan oo ka soo baxay akadeemiga Arsenal ee Hale End ayaa ku dhashay England, waxaa iska dhalay aabe Nigerie u dhashay iyo hooyo Uganda u dhalatay, waana sababta uu seddexda wadanka ugu dheeli karo.Wuxuu diirada u saraan yahay kooxo badan oo Premier League ah halka xiriirka kubada cagta Ingariiska ay doonayaan in…