Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka PSG vs Manchester United –
Manchester United ayaa ku sugan garoonka Parc des Prince oo ay isku haleelayaan PSG oo ciyaartoodii iskugu dambaysay ay kaga soo adkaatay 3-1.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo xili ciyaareedkii 2018-19 tartanka Champions League ka reebay PSG oo garoonkeeda joogta ayaa waxa uu caawana kala hor tegayaa shax adag oo uu ku qanacsan yahay inay guusha ku gaadhi doonta ciyaartooda ugu horreeya.
Labada kooxood oo ku wada jira Group-ka dhimashada ee H, ayaa waxa United ka maqan Harry Maguire, Edinson Cavani, Mason Greenwood, Eric Bailly iyo Jesse Lingard oo dhamaantood aanu Solskjaer xulashadiisa caawa ku darsan doonin, waxaana kabtan u ah Bruno Fernandes.
Tababaraha reer Netherlands ayaa ciyaartan kusoo galay shax adag oo ay hoggaaminayaan Bruno Fernandes, McToninay Iyo Fred oo khadka dhexe ah, halka weerarkana ay u diyaarsan yihiin Marcus Rashford oo u dhaliyey goolkii rikoodhaha ahaa ee daqiiqaddii 94aad ayay kaga guuleysteen PSG kulankoodii ugu dambeeyey ee isla garoonkan.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa isbeddelo waaweyn ku sameeyey safkiisa, waxaanu kaydka dhigay Paul Pogba iyo Van de Beek oo uu ka door biday McTominay, Fred iyo Telles oo khadka dhexe ka wada ciyaaraya.
Difaaca da’da yar ee Taunzebe ayaa ka ciyaaraya booskii uu ka dhaawacmay Harry Maguire.
Thomas Tuchel ayaa isaguna shax adag ciyaartan kusoo galay, waxaana hormood u ah saddexda lama-taabtaan ee Neymar Jr, Kylian Mbappe iyo Angel di Maria.
Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood
Manchester United: De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Tuanzebe, Shaw, Telles, Fred, McTominay, Fernandes, Rashford, Martial
Kaydka: Henderson, Pogba, Mata, James, Fosu-Mensah, Ighalo, Pellistri, Matic, Williams, Van de Beek.
PSG: Keylor Navas; Florenzi, Diallo, Kimpembe, Kurzawa; Gueye, Danilo Pereira, Ander Herrera; Di Maria, Mbappe, Neymar.