Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

RASMI: Magacyada Afarta Tababare Ee Ku Tartami Doona Abaalmarinta

Maamulka horyaalka Premier League ayaa soo xulay afarta tababare ee ku tartami doona abaalmarinta macalinkii ugu wanaagsanaa horyaalka bishan May ee uu soo dhammaaday tartanku.Afarta tababare ayaa kala ah Mikel Arteta oo Arsenal ah, Jurgen Klopp oo Liverpool ah, macalinka Leeds ee Marcelo Bielsa iyo midka West Ham United ee David Moyes.Arteta ayaa afar kulan oo uu Arsenal horyaalka layliyay bishan May dhammaantood soo guuleystay waxaana kamid ahaa laba kulan oo Derby ah oo kala ahaa Crystal Palace iyo Chelsea.Marcelo Bielsa…

RASMI: Liiska SIDDEEDA Xiddig Ee Ku Tartamaya Abaalmarinta Xiddiga

Maamulka horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay liiska siddeeda xiddig ee ku tartami doona abaalmarinta ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka bishan May ee ahayd bishii ugu dambaysay xilli ciyaareedkan 2020-21.Siddeeda xiddig ayaa kala ah Alisson Becker, Sadio Mane, Aaron Ramsdale, Gareth Bale, Christian Benteke, Joseph Willock, Nicolas Pepe iyo Rodrigo Moreno.Aan ku bilawnee Gareth Bale ayaa bishaas shan kulan metelay Tottenham isaga oo saddex guulood iyo laba guuldarro lasoo kulmay halka uu saddex gool usoo dhaliyay…

“Wax Hambalyo Ah Maka Heshay Kuwii Barcelona Kaa Eryay?” – Suarez Oo

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Luis Suarez ayaa ka hadlay haddiiba uu wax hambalyo ah ka helay maamulkii kooxda Barcelona ee ku dhawaad sanad kahor sababta u noqday inuu kooxdaas qaab fool xun uga baxo.Weeraryahanka 34 sano jirka ah ayaa loo arkay inuu yahay mid dheeraad ku ah baahida tababare Ronald Koeman waxaana loo ogolaaday inuu si toos ah ugu wareego kooxda ay La Liga ku xifaaltamaan ee Atletico Madrid.Taas ayaa isku bedeshay qalad weyn oo ay gashay Barcelona isaga oo Suarez 21 gool oo horyaalka ah usoo…

Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaaryahanadda Ee Maanta Oo Salaasa Ah

Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ayaa furmi doona horraanta bisha June ee foodda innagu soo hayso, waxaana haddaba lasii helayaa xogta xiddigaha ay kooxaha waaweyn isku dayi doonaan in ay lasoo saxeexdaan.Wargeysyada waaweyn ee Yurub ayaa si joogto ah usoo bandhiga wada-hadallada, qorsheyaasha iyo xanta suuqa, waxaana maanta oo Salaasa ah qodobbadii ugu waaweynaa ee ay qoreen ka mid ahaa:Borussia Dortmund ayaa u sheegtay laacibka reer England ee Jadon Sancho oo 21 jir ah, in uu iska tegi karayo xagaagan. (Bild)Tababaraha…

WARKII LA SUGAYAY: Karim Benzema Oo Kashifay Go’aanka Zinedine Zidane

Weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa shaaciyey waxa uu ka ogyahay go’aanka iyo mustabqlka tababare Zinedine Zidane oo la sheegayo in uu iska casilayo kooxdaas, kaddib markii uu xilli ciyaareedkoodu kusoo dhamaaday koobab la’aan.Zinedine Zidane ayay warbaahinta qaarkood sheegeen in uu mar horeba go’aan ku gaadhay in uu iskaga tago kooxda, isla markaana uu ciyaartoyda kooxdiisa usii sheegay in uu tegayo markii ay soo dhamaatay ciyaartii Chelsea ee semi-finalka Champions League.Wararka qaarkood ayaa sheegaya in uu…

Gary Neville Oo Magacaabay SADDEXDA Saxeex Ee Manchester United Ka

Halyeygii Manchester United ee Gary Neville ayaa magacaabay saddex laacib oo haddii ay Red Devils lasoo saxeexato ay noqon doonto horyaalka waddanka Ingiriiska oo ay ku guuleysan doonto Premier League, iyadoo booska ka riixanaysa Man City oo xilli ciyaareedkan koobka qaadatay.Manchester United ayaa siddeeddii sannadood ee ugu dambeeyey ka qatanayd horyaalka Premier League, waxaana ugu dambaysay 2013 markii uu Sir Alex Ferguson kasii fadhiisanayay shaqada.Ole Gunnar Solskjaer ayay Man United ku hoggaamiyey in labadii…

CAJIIB: Liverpool Oo Doonaysa In Manchester City & Villarreal Ku

Iyadoo ku jirta dabbaal-deg ka hooseeya heerkii laga filayay oo ah in ay usoo baxeen tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe kaddib markii ay maalintii ugu dambaysay soo galeen kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, Liverpool ayaa isha ku haysa  labada final ee Champions League iyo Europa League ee kooxaha ay xafiiltamaan ay koobabka ku qaadayaan.Reds oo xilli ciyaareedkan difaacan kari weyday horyaalka Premier League ee ay sannadkii hore ku guuleysatay, waxa xanuun badan ku ah inay aragto Manchester…

Diego Simeone Oo Daboolka Ka Qaaday Wixii Uu Sameeyey Markii Uu Maqlay

Tababaraha kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa daboolka ka qaaday wixii uu smaeeyey markii uu maqlay in kooxdiisu ay haysato fursad ay kula soo saxeexan karayso weeraryahanka reer Uruguay ee Luis Suarez xagaagii hore, markaas oo Barcelona ay u sheegtay in uu iskaga tago Camp Nou.Luis Suarez ayaa door libaax ka qaatay guushii Atletico Madrid ee  horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ee xilli ciyaareedkan, waxaana Diego Simeone uu sheegay in uu sii ogaa, in Suarez uu isbeddel ku samayn karo kooxdaas markii…

Xiddigaha Xulka Qaranka England Ee Maanta Lagu Dhawaaqayo Oo Lagu

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa maanta ku dhawaaqi doona liiska xiddigaha xulkiisa ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2020 ee  horraanta bisha June bilaabmi doona.Xulalka qaramada ka qayb-gelaya Euro 2020 ayaa laga dhigay 26 halkii ay hore u ahaan uga ahaan jireen 23, laakiin Gareth Southgate ayaa ku darsan doona afar ciyaartoy oo dheeraad ah, taas oo tirada ciyaartoyda xulkiisa ka dhigi doonta 30.Sida uu sheegay David Ornstein oo ka tirsan wargeyska The Athletic, xog laga helay Southgate ayaa…

“Waan Gaarey Hadafkii Aan Hiigsanayay Illaa Maalintii Aan Imid

Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Juventus ayaa shaki la gelinayaa, kaddib qoraal uu ku daabacay bartiisa INstagram oo uu ku sheegay in uu gaadhay ujeeddadii uu u yimid Talyaaniga.Ronaldo oo qandaraaskiisa Juventus ku eg yahay xagaaga 2022, ayaa lala xidhiidhinayaa tiro kooxo reer Yurub ah oo ay ku jiraan Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Manchester United, waxaana farriinta uu soo qoray lagu tilmaamay mid u muuqata macasalaamayn.“Nolosha iyo xirfadda ciyaartoy kasta oo sare waxay leeyihiin sare u kac iyo hoos u dhac.”…