Dhaqdhaqaaq badan ayaa ka jiray suuqa iibka ciyaartoyda maanta oo Jimce ahayd, waxaana jiray saxeexyo la dhamaystiray, kuwo si xor dhac ah loo gaadhay iyo warar kale oo xaasaasi ahaa.Qodobbadii ugu waaweynaa suuqa iibka ciyaartoyda maanta ayaanu isha soo marinay, waana kuwan e akhris wanaagsan:RASMI: Xiddigii Manchester City ee Jack Harrison ayaa si rasmi ah ugu biiray Leeds United oo uu xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay. Harrison ayaa saxeexay heshiis saddex sannadood ah, lamana sheegin lacagta ay Leeds kagala soo…