“Sannad Kale Ayaan Sugayaa Inuu Tago…” Waa Kuma Xiddga Manchester
Manchester United ayaa Jimcihii heshiis cusub oo sannad ah ka saxeexday laacibka reer Spain ee Juan Mata, laba maalmood kaddib markii uu dhamaaday qandaraaskiisii hore.
Mata oo kaydka ku jiray xilli ciyaareedkii tegay, fursadaha uu helayna aad u yaraayeen ayaa ku qancay in uu mar kale xaaladdii oo kale ku jiro amaba mid kasii liidata maadaama ciyaartooyo cusub ay yimaaddeen Manchester United.
Inkasta oo Manchester United ay u ahayd farxad in khabiirkan ay sii haysato, haddana ciyaartoyda kooxdeeda ayaan ku wada faraxsanayn waxaana jiray laacib weyn oo jeclaan lahaa in Juan Mata uu iska tago.
Mata ayaa Manchester United u xidhna funaanadda No. 8, waxaana jira ciyaartoy la ogyahay inuu waqtigu ku dheeraanayo oo sugayo inta lambarkan uu bannaynayo Juan Mata.
Laacibka reer Portugal ee Bruno Fernandes ayaa markii uu Juan Mata heshiiska cusub saxeexay wuxuu si kaftan ah usoo bandhigay dareenkiisa ah inuu dhibsanayo in laacibkani sii joogo, sababtuna waxay tahay inuu ka sugayo lambarka uu xidho ee No. 8.
Fernandes ayaa No. 8 usoo xidhay kooxdiisii hore ee Sporting CP, waxaanay Manchester United siisay No. 18 maadaama aanu bannaanayn lambarka uu aadka u jecel yahay, waxaana qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada Jimcihii shalay, waxyar kaddib markii heshiiska Mata lagu dhawaaqay uu ku sheegay inuu sannad kale sugayo lambarkaas.
Bruno Fernandes ayaa qoraalkiisa ku yidhi: “Sannad kale ayaan sugi doonaa No.8”
Waxa uu intaa ku daray: “Hambalyo walaal, waad u qalantaa, waxaad noo tahay tusaale iyo mid aanu ku dayano gudaha iyo bannaanka garoonkaba.”
Juan Mata oo ay da’diisu tahay 33 jir ayaa kusoo biiray Manchester United sannadkii 2014 isagoo uga soo wareegay kooxda reer London ee Chelsea oo uu saddex sannadood u ciyaaray.
Laacibkan ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa Manchester United kula guuleystay afar koob oo kala ah: Europa League, FA Cup, Carabao Cup iyo Community Shield.