AKHRISO: Xiddig Uu Messi 50 Dollar Ku Leeyahay 17 Sano, Sababtii Uu
Waxa soo if-baxday qiso cajiib ah oo dhex martay kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi iyo saaxiibkiisii hore ee xulkaas ee Pablo Alvarado kaas oo ay hore usoo wada mataleen dalkaas.
Sanadkii 2004, Lionel Messi ayaa kulankiisii labaad usoo ciyaaray xulka koowaad ee Argentina oo kahor tagay dalka Uruguay oo ay booqdeen.
Wakhtigaas, ciyaaryahan kasta ayaa 50 dollar la siin jiray marka ay kusoo ciyaaraan banaanka, Alvarado ayaa loo dhiibay 100 dollar oo isku dhagan iyadoo loo sheegay inay kala qaybsadaan Messi maadaama oo aan laba 50 dollar loo helayn.
Si kastaba, Alvarado ayaan wali lacagtaas siinin Messi oo uu xiddiga dhawaan heshiiskiisii Barcelona dhacay ku leeyahay ilaa maanta oo 17 sano kaddib laga joogo.
Alvarado ayaa sheekadaas ku arkay barta Twitter-ka in lagu hadal hayo kahor inta uusan sheegin in sababta uu usiin waayay ay tahay inuusan dib u arag.
“Maan haysan laba 50 dollar, mar dambe ayaana la ii sheegay inaan mid siiyo Messi, anigu isaga dib uma arag, sida ugu dhakhsaha badan ee aan u arko dib ayaan u siin doonaa”