FADEEXAD: Ousmane Dembele Oo Ceeb Dhex Fadhiya & Muuqaal Uu Ka Duubay
Da’yarka weerarka ee kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa ceeb dhexda kaga jira kaddib markii lasoo helay muuqaal isaga oo ku toocsanaya shaqsiyaad Asian ah kuwaas oo farsamo tiknoolajiyad wada.
Waxa la aaminsan yahay in saddexdaas farsamo yaqaan ay ahaayeen kuwo ka shaqaynayay huteel ay markaas hawsha ka wadeen, iyadoo saddexdaas nin ay wada hadlayaan iskuna dhaw yihiin ayuu mid ahaan dhabarkiisa ka muuqdaa qoraalka ah “Shaqaalaha”
Kaddib Dembele oo la joogay Antoine Griezmann oo ay xulka France iyo kooxda Barcelona ba ka wada tirsan yihiin ayaa u muuqda mid qosol iyo maad ka dayaya muuqaalkooda, luqadooda iyo aqoontooda tiknoolajiyadeed.
Dembele oo muuqaalkani caddeeyay sida uu u yahay shaqsi cunsuri ah ayaa Greizmann kula kaftamaya inuu dad muuqaal ahaan fool xun keensaday si ay uga caawiyaan inuu ciyaar gacmeedka PES ciyaaro.
“Dhammaan wajiyadan foosha xun, markaa kaliya PES ayaa ciyaari kartaa, miyaanad ceeb dareemayn?” ayuu 24 sano jirkaasi si jees-jees ah u weydiiyay Antoine Griezmann.
Markale ayuu Dembele oo la hadlaya shaqaalaha Asian-ka ahi odhanayaa “Maxay tahay nooca luuqadaas xaga dambe ku qorani? dalkiinu ma yahay mid tiknoolaji ahaan horumarsan”
Muuqaalkan oo ah mid lagu duubay aalada Snapchat ayaa ah mid aan codka Greizmann la maqlayn balse si fiican loo maqlayo codka Dembele oo sidoo kale lugihiisu muuqdaan.
Muuqaalkan oo ah mid aad u wareegaya baraha bulshada ayaa la fahamsan yahay inaan la duubin inta uu socday tartankan Euro maadaama timaha Greizmann aysan ahayn sida uu muuqaalkan kaga muuqdo.
Warbixinaha qaar ayaa sheegaya in muuqaalka la duubay sanadkii 2019 markaas oo ay Barcelona dalka Japan ku qaadatay kulamadii ka horreeya xilli ciyaareedka.