Shan qof ayaa ku dhintay, 10 kalena way ku dhaawacmeen markii weerar diyaarad drone ah uu ku dhacay aag warshadeed oo ku yaalla duleedka Moscow, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka, xilli Ruushka iyo Ukraine ay is-weydaarsadeen weerarro kale.
Ukraine ayaa weerarro masaafo dheer ah ku qaaday kaabeyaasha dhaqaalaha ee gudaha Ruushka, waxayna toddobaadyadii u dambeeyay kordhisay weerarrada ay ku hayso bakhaarrada ay maamusho Wildberries, oo ah shirkadda ganacsiga internetka ugu weyn dalka.
Weerarrada habeenkii dhacay ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada aargoosiga ah. Ukraine waxay marar badan boqollaal diyaaradood oo drone ah ku riddaa Ruushka, iyadoo sheegta in weerarradu ay jawaab u yihiin adeegsiga soo noqnoqda ee Moscow ee boqollaal diyaaradood oo drone ah iyo tobannaan gantaal oo lagu weeraro magaalooyinka iyo deegaannada Ukraine.
Maalintii ka horreysay, mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in toddoba qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, lagu dilay, 40 kalena lagu dhaawacay magaalada dalxiiska ee Gelendzhik ee ku taalla Badda Madow, weerar ay Moscow ku tilmaantay mid diyaaradaha drone-ka Ukraine si ula kac ah loogu beegsaday rayidka.
Ruushka oo sheegay in weerar drone ah oo lagu qaaday magaalo dalxiis oo ku taalla Badda Madow lagu dilay toddoba qof, oo carruuri ku jiraan
Ukraine isla markiiba kama aysan hadlin arrintan. Labada dalba waxay beeniyaan inay si ula kac ah u beegsadaan rayidka dagaalka ay Moscow billowday sannadkii 2022.
Isagoo faahfaahinaya weerarradii ugu dambeeyay, guddoomiyaha gobolka Moscow Andrey Vorobyov ayaa saaka aroortii sheegay in weerar drone ah uu sababay dhowr dab oo ka kacay aagga warshadaha Novoselki ee duleedka caasimadda.
“Sida xogta hordhaca ah muujinayso, shan qof ayaa la dilay,” ayuu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Telegram, isagoo intaas ku daray in 10 qof oo kale ay dhaawacmeen.
Waqooyi-galbeed Ruushka, diyaarado drone ah ayaa waxyeelleeyay bakhaar ku dhow Krasny Bor, hal qofna way dhaawaceen, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Leningrad Aleksandr Drozdenko.
Wildberries ayaa sheegtay in weerarku uu dab ka kacay xarunteeda saadka ee Krasny Bor.
Bakhaar labaad oo ay leedahay Wildberries ayaa lagu dhuftay deegaanka miyiga ah ee Emmaus, oo qiyaastii 180 km waqooyi-galbeed kaga beegan Moscow, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Vitaly Korolyov.
Dhanka kale, weerarro uu Ruushku ka geystay Sumy, oo ku taalla waqooyi-bari Ukraine, ayaa dilay laba carruur ah iyo haweeney waayeel ah, sida uu sheegay madaxa maamulka militariga gobolka.
Faahfaahin dheeraad ah:
Wararkii ugu dambeeyay ee Ukraine
“Laba carruur ah iyo haweeney waayeel ah ayaa caawa lagu dilay Sumy, kaddib weerarro uu Ruushku u adeegsaday bambooyin hagitaan leh oo cirka laga soo rido,” ayuu Oleg Grygorov ku sheegay Telegram.
“Gabdhuhu waxay kala jireen 5 iyo 10 sano. Meydadka carruurta ayaa laga soo saaray burburka gurigooda hoostiisa.”
Lix bambo oo hagitaan leh oo cirka laga soo rido ayaa ku dhacay kaabeyaasha rayidka ee daafaha magaalada, iyagoo waxyeelleeyay dhismayaal la deggan yahay iyo kuwo aan la degganayn, ayuu yiri Grygorov.
Weerar kale oo uu Ruushku ku qaaday magaalada dekedda leh ee Mykolaiv ee koonfurta dalka ayaa dilay haweeney 89 jir ahayd, sida uu sheegay Georgy Reshetilov, madaxa maamulka militariga gobolka.
Ruushka ayaa duullaankiisa ballaaran ee ka dhanka ah Ukraine billaabay bishii Febraayo 2022, wuxuuna si isdaba joog ah u weeraray dalkaas, oo ay ku jiraan weerarro laga soo qaaday saldhigyo ku yaalla gacanka Crimea.
Jiiddaha hore ee dagaalka Ukraine wax yar ayay isbeddeleen bishii Luulyo, iyadoo ciidamadeedu ay inta badan hakiyeen dardargelintii Ruushka, sida lagu sheegay falanqayn ay AFP ku samaysay xogta Machadka Daraasaadka Dagaalka.







