Zinedine Zidane iyo Karim Benzema

Tababarayaasha Zinedine Zidane iyo Karim Benzema ayaa ka hadlay dib u dhac kale oo ku yimid xiddiga reer Belguim ee Eden Hazard kaas oo todobaadkan ka soo laabtay dhaawac muruqa ah laakiin waxaa laga saaray daqiiqado yar kulankii Elche ee sabtidii.

Eden Hazard ayaa laga saaray tababarka Real Madrid ka hor kulanka Champions League ee ay saakay la ciyaarayaan Atalanta sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.

Hazard oo ciyaaray 15-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay kulankii Elche lana filayay inuu ciyaaro kulanka Atalanta ayaa dhaawac ku seegaya inta ka harsan xilli ciyaareedkaan.

Tababare Zinedine Zidane, oo ka hadlaya dhaawaca cusub ee Hazard, ayaa yidhi: “Waxaas waxbaa ka khaldan, ma garanayno sida loo sharaxo tirada dhaawacyada”. Weligiis ma dhaawacmin markii uu ciyaarayay, waana ku cusub yihiin. Ma faahfaahin karo.

Waxaan dhamaanteen dooneynaa inaan caawinno, waxaan rajeynayaa inuu si dhaqso ah noogu soo laabto. ”

Weeraryahanka reer France Karim Benzema ayaa sidoo kale ka hadlay dhaawaca Eden Hazard, wuxuuna yiri: “Eden nasiib ma yeelan tan iyo imaanshihiisa.

Waan ka xumahay isaga, waa ciyaartoy fiican oo wax badan naga caawin kara, wuu ka xun yahay sababtoo ah wuxuu doonayaa inuu cadeeyo inuu yahay xiddig.

Waxaan ka fikireynaa waxa ku dhici doona, waxaan dooneynaa inaan caawinno, waxaan rajeyneynaa inuu si dhaqso leh u soo kabto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More