YAAB: Varane Wuxuu Doonayay Inuu Tago Chelsea Laakiin Halyeygan

Daqiiqaddii ugu dambaysay ayuu Raphael Varane beddelay go’aankiisii ahaa inuu u wareego Chelsea amaba Paris Saint-Germain, isla markaana uu usoo janjeedhsaday dhinaca Manchester United, sababtuna waxay ahayd, waxay wada hadleen halyey Man United ahaa oo ka dhaadhiciyey inuu yimaaddo Old Trafford.

Red Devils ayaa xaqiijisatay saxeexa Varane oo ay £42 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Real Madrid oo uu Jimcihii soo macasalaameeyey, waxaana uu tijaabada caafimaadka u mari doonaa United maalmaha soo socda.

28 jirkan xulka Faransiiska kula guuleystay Koobka Adduunka sannadkii 2018, ayaa waxay Man United ka bixin doontaa £34 milyan oo Gini oo qaddin ah iyo £8 milyan oo ay dib ka bixin doonto.

Laacibkan ayay Manchester United heshay fursadda ay kula saxeexanayso markii uu kooxdiisa Real Madrid u sheegay in aanu u cusboonaysiinayn qandaraaskiisa 11ka bilood ka hadhsan yihiin waqtigii uu dhamaanayay, taas oo Los Blancos ku cadaadisay inay iibiyaan, si aanu bilaash ugaga tegin.

Real Madrid ayaa labada kooxood ee Chelsea iyo Paris Saint-Germain u bandhigtay inay la saxeexan karaan Varane iyadoo ka taxadaraysay inuu sidii Sergio Ramos oo kale sannad kaddib kaga tago, laakiin laacibkan ayaa go’aan gaadhay daqiiqaddii ugu dambaysay, isla markaana doortay Manchester United.

Chelsea oo hadda raadinaysa Jules Kounde ayaa si dhow ula socotay xaaladda Varane, waxaanay doonayeen in ay la saxeexdaan iyadoo ay ciyaartoygana isku dayeen inay xidhiidh la sameeyaan si ay u qancin karaan. Hase yeeshee waxa soo dhex-galay halyeyga Manchester United ee Darren Fletcher oo si toos ah ula hadlay Varane kuna qanciyey inuu yimaaddo Old Trafford, dhabarkana u jeediyo Chelsea.

Fletcher oo dhowaan loo magaabay agaaismaha farsamada Manchester United ayay kooxdiisu uga mahad-celinaysaa inay heleen Varane, halka guul-darrada Chelsea na uu isagu sabab u yahay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More