XOG CUSUB: Shaqsiga Culus Ee Isku Xil-Saaray Joojinta Mbappe, Shuruuda

Sida uu sheegayo wargeyska L’Equipe, madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain ee Nasser El Khelaifi ayaa go’aansaday inuu isagu shaqsiyan uga hawl-galo kordhinta heshiiska uu kooxda kula joogo Kylian Mbappe oo xagaaga sanadka dambe dhacaya.

Kaddib markii uu Nasser laba toddobaad kahor sheegay inuusan abid Mbappe ka tagayn kooxdooda ayuu isku dayi doonaa inuu hadda kaddib ka shaqeeyo sidii uu ugu sii hayn lahaa Parc des Princes.

L’Equipe ayaa sheegaya in go’aanka cusub ee El-Khelaifi yahay inuu isagu hawl-galka bilaabo isaga oo diyaar u ah inuu waxkasta u sameeyo si uu u hubiyo inuu heshiis la gaadho toddobaadyada soo socda.

Sida ay sheegeen saxaafada ree France, wadahadaladii u dhaxeeyay agaasimaha ciyaaraha Paris Saint-Germain ee Leonardo iyo Mbappe ee heshiis kordhinta ayaan sidii la filayay u fiicnaan waana sababta uu usoo dhex galay El-Khelaifi oo uu 22 sano jirkaasi ixtiraam weyn u hayo.

Dalabka ay haatan Paris miiska usoo saartay xiddigii hore ee Monaco ee ay kaga doonayso heshiis kordhinta cusub ayaa ah mid sanadkii u dhigma lacag qadarkeedu yahay 26 Milyan oo euro.

PSG ayaa u muuqata mid Kylian u fulinaysa mid kamida shuruudaha uu kooxdeeda hordhigay si uu heshiis kordhin u sameeyo oo ahayd in kooxda lasoo dhiso lana keeno xiddigo ka caawin kara inaysan sanadka dambe si dhab ah ugu tartamaan Champions League.

PSG ayaa la saxeexatay Georginio Wijnaldum, Achraf Hakimi iyo Gianluigi Donnarumma walow heshiisyada labada xiddig ee dambe aan si buuxda loo xaqiijin haddana waxa la fahamsan yahay in waxkasta ay soo dhammaadeen.

Ugu dambayn, L’Equipe ayaa sheegaya in Mbappe uusan marnaba Paris weydiisan bixitaan balse uu ka codsaday in lasoo dhiso kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More