Xiddigii LABAAD Ee Chelsea Ka Tirsan Oo Xanuunsanaya,

Timo Werner ayaa toddobaadkan horraantiisii laga saaray xulka qaranka Germany kaddib markii looga shakiyey inuu ku dhacay xanuunka Korona Fayras oo lagu arkay calaamadihiisii oo kale, waxaana la geliyey karantiil, sida uu xaqiijiyey tababaraha xulka qaranka Germany ee Low.

Chelsea oo ka walaacsan warkan xiddigeedaas ayaa waxa haddana usoo yeedhay in laacibkeeda isaguna saxeexa cusub ah ee Ben Chilwell uu baadhitaan caafimaad ku jiro oo laga hubinayo xanuunkan.

Ben Chilwell ayaa la sheegay inuu xanuunsanayo oo laga dhex saaray ciyaartoyda qaranka England ee kulankii Khamiistii ee ay Wales la ciyaareen.

Laacibkan oo ay Chelsea kaga soo iibsaday Leicester City lacag dhan £50 milyan oo Gini ayaa waxa uu toddobaadkii hore ka qayb-galay xaflad dhalasho oo uu samaystay Tammy Abraham oo sidoo kale uu joogay Jadon Sancho, taas  oo ay kasoo qayb-galeen dad kale.

Arrintan oo meel ka dhac ku ahayd sharciga dawladda UK u dejisay xakamaynta xanuunkan ayaa waxa uu Gareth Southgate ku qasbanaaday inaanu kusoo darin ciyaartoydii dheeshay kulankaas, laakiin waxa hadda soo baxday inuu xanuunsanayo oo aanu ciyaari doonin kulanka caawa ee Belgium.

Baadhitaanka laga qaadayo Chilwell oo ay fulinayaan dhakhaatiirta xidhiidhka FA ayaa haddii ay natiijadiisu noqoto inuu ka caafimaad qabo xanuunkan, waxa loo ogolaan doonaa inuu qayb ka noqdo xulka qaranka England ee kulanka Denmark ee Arbacada.

Jadon Sancho iyo Tammy Abraham oo sidoo kale seegay kulankii Wales ee Khamiistii oo xafladdan darteed looga saaray xulka ayuu tababare Garethou Southgate u ogolaaday inay soo laabtaan maadaama aan wax calaamado ama xanuun ah lagu arag.

Frank Lampard ayaa rajaynaya in Timo Werner iyo Ben Chilwell ay kasoo kabtaan xanuunkan oo ay dhamaystaan muddada karantiilka inta ka horreysa kulanka ay ku martigelin doonaan Southampton toddobaadka dambe iyo ciyaarta kale ee muhiimka ah ee Sevilla ay ku qaabilayaan Stamford Bridge kulanka ugu horreeya xili ciyaareedkan ee Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More