Bruno Fernandes Oo Runta U Sheegay Solskjaer, Wixii Uu Ku

Waxa warar cusubi kasoo baxayaan wixii ka dhacay qolka labiska kooxda Manchester United wakhtigii nasashada ee kulankii ay dhawaan bahdilaada kala kulmeen kooxda Tottenham iyo waliba sababtii loo bedelay xilligaas Bruno Fernandes.

Fernandes ayaa daqiiqadii 2-aad ee kulanka hoggaanka u dhiibay kooxdiisa balse kooxda martida loo ahaa ayaa afar gool qaabishay kahor wakhtigii nasashada iyadoo Anthony Martial daqiiqadii 28-aad casaan loo taagay.

26 sano jirka ree Portugal oo caan ku ah dareenkiisa hoggaamiyenimo ayaan ka gaban inuu xiddigaha ay isku kooxda yihiin runta u sheego wakhtigii nasashada.

Intaas waxa dheer in Bruno ay xataa isku dhaceen tababaraha kooxdiisa ee Ole Gunnar Solskjaer xilligaas isagoo si cad su’aal uga keenay nooca taatiko ee uu macalinka ree Norway garoonka lasoo galay kulankaas.

Sida uu wargeyska The Mirror u sheegay shaqsi mid kamida shaqsiyaadka kulamada Man United xubin ahaan uga qayb galaa Bruno Fernandes ayaa xiddigaha Manchester United u sheegay inaysan u qalmin inay xidhaan maaliyada caanka ah ee kooxda.

Shaqsiga xogtan siiyay Mirror ayaa yidhi “Maad caawin karayn balse waad maqli karaysay, isagu dhab ahaantii waxa uu ahaa mid cadhaysan kaddib isaga oo lahaa waji onkod oo kale ah markii uu Tunnel-ka kasoo daadagay”

“Wuxuu ku qayliyay xiddigaha ay isku kooxda yihiin isaga oo ku eedeeyay inaysan dhawrayn magaca weyn ee Manchester United, waxa uu sii waday inuu qayliyo (Isaga oo leh) ;Waxa la filayay inaynu Manchester United noqono, ma ahayn inay sidani dhacdo”

“Way caddayd in tababaruhu uu sidoo kale cadaadis la kulmay sababtoo ah waxa uu la shirtagay taatikadii qaldanayd, waxa jiray codad kale oo sarreeyay”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More