WOW: Paul Pogba Oo Doortay Xiddiga Mudan Ballon d’Or, Ronaldo Iyo

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Labile Pogba ayaa doortay ciyaaryahanka u qalma abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan 2020 xilli uu diiday ciyaaryahanada jiilkan hormoodka u ah ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Pogba ayaa ciyaaryahanka u qalma u doortay saaxiibkiisa xulka ee N’Golo Kante oo tartanka UEFA Champions League kula soo guuleystay Chelsea.

Ronaldo iyo Messi ayaa labaduba xilli ciyaareedkan Barcelona iyo Juventus kula fashilmay ku guuleysiga horyaal halka ay sidoo kale labaduba wareega 16-ka ee Champions League ku hadheen.

Kooxda ku guuleysatay koobka fududeeya Ballon d’Or ee Champions League ayaa ah Chelsea waxaana safkooda kamid ah Kante oo ahaa xiddigii bandhigyada ugu fiican soo sameeyay wareegyadii bug-baxa oo dhan.

Pogba oo koobkii aduunka ee 2018 kula soo guuleystay N’Golo ayaan ahayn mid sharaxaad badan u baahan si uu u ogaado nooca tayo ee uu leeyahay ciyaaryahankii hore ee Leicester City.

30 sano jirkaas ayaa xilli ciyaareedkan 48 kulan tartamada oo dhan usoo ciyaaray Chelsea isaga oo kasoo hoos shaqeeyay Frank Lampard iyo Thomas Tuchel labadaba waxaana uu wacdarro soo dhigay isaga oo aan hal gool dhalin.

Pogba oo Eurosport la hadlayay ayaa yidhi isaga oo dooranaya shaqsiga u qalma Ballon d’Or “Waxa aan jeclaan lahaa inaan dunida oo dhan ku idhaahdo ayaa ah in N’Golo Kante-ha aynu aragnay bilahan ugu dambeeyay inuu markasta sidaa ahaa”

“In badan ayaynu ka hadalnaa bandhigyada kulamada laakiin isagu markasta sidaas ayuu u fiicnaa, Cristiano iyo Messi ma aysan soo gaadhin Final-ka sidaas darteed way fiican tahay in la arko qaab ciyaareedka khadadka dhexe ama xataa daafacyada”

“Mudo dheer kahor baan idhi inay ku haboonaan lahayd haddii ay Chelsea ku guuleysato (Champions League), isagu inuu ku guuleysto Ballon d’Or, sidoo kale waxay noqon doontaa mid uu u qalmo”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More