La Ogaaday: Laba Xiddig Oo Ay Xiddigaha Man United Doonayeen In Ay Kooxdu La Soo Saxiixato Oo La Ogaaday.

Xiddigaha Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ka niyad jabeen in ay kooxdu ku fashilantay saxiixa xiddigaha Declan Rice iyo Harry Kane xagaagii hore, sida ay wararku sheegayaan.

United ayaa si aad ah loola xiriirinayay labada ciyaaryahan ee England, laakiin waa ay seegeen labadaba, iyadoo Rice ay ka tagtay West Ham kuna biirtay Arsenal iyo Kane oo u dhaqaaqay Bayern Munich.

Xiddigaha reer England ee Rice Iyo Kane ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxohoodii cusbaa.

Erik Ten Hag ayaa maamulka kooxda ku riixay in ay la soo saxiixdaan Kane laakiin maamulka kooxda ayaa go’aansaday in aanay ku biirin tartanka loogu jiro xiddiga maadama ay Tottenham dalbanaysay lacag aad u badan.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Xiddigaha kooxda Man United ayaa doonayay in ay kooxdu la soo saxiixato Kane Iyo Rice laakiin taas badalkeeda kooxda ayaa la soo saxixixatay xiddiga Rasmus Hojlund.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More