“Haddii Aanu Ku Guuleysano Euro Waxaanu Ku Tartami Doonaa….” –

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ayaa ku kaftamay in haddii xulkiisa France uu ku guuleysto tartanka Euro ee bishan furmaya uu tartan la gali doono dhigiisa xulka ee Karim Benzema.

Benzema ayaa dhawaan kusoo laabtay xulka France kaddib markii uu ka maqnaa mudo shan sano ah iyadoo intaas uu xulku gaadhay Final-ka Euro 2016 sidoo kalena ku guuleystay Koobkii Aduunka ee 2018.

Giroud oo la hadlayay il-wareedka Le Figaro ayaa sheegay inuu Benzema kula tartami doono gawaadhida yar-yar ee Go-Kart loo yaqaano maadaama oo uu Benzema mar isaga ku sifeeyay Go-Kart halka uu isaguna isku sheegay F1.

Olivier ayaa yidhi isaga oo kaftamayay kana hadlaya Benzema “Haddii aanu ku guuleysano Euros waxaanu ku dabaaldegi doonaa tartan Go-Kart ah”

Giroud ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inay xurgufi ka dhaxayso isaga iyo Benzema, labada weeraryahan ayaa is dhinac fadhiisan doona marka uu xulku cuntaynayo sida uu qorsheeyay xulka Les Bleus.

Tababaraha xulka ee Didier Deschamps ayaa rajaynaya in soo laabashada Karim Benzema ay xulkiisa siin doonto awood dheeri ah xilli ay doonayaan inay guulaha halkooda kasii wadaan kaddib hanashadii koobka aduunka.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More