“Waxaanu Ilawnay Sida…..” – Greizmann Oo Sheegay Arrin Yaab Leh Oo

Weeraryahanka xulka qaranka France ee Antoine Greizmann ayaa shaaca ka qaaday in sababta xulkiisu ugu dhibtooday inay guul ku gaadhi waayaan garoonka xulka Hungary uu yahay inay ilaaween sida loogu ciyaaro garoon buuxa oo jamaahiiri buuxisay.

Attila Fiola ayaa hoggaanka u dhiibay Hungary wax yar kahor wakhtigii nasashada kahor inta uusan Greizmann goolka ay dhibicda ku heleen u keenin daqiiqadii 66-aad.

Greizmann ayaa aaminsan in awood la’aanta ay awoodi waayeen in xiddigaha France si fiican isku maqlaan maadaama oo ay 60,000 oo taageere fadhiyeen ciyaartii ka dhacday Budapest ay sabab u tahay inay saddexda dhibcood soo wada qaadan waayeen.

Greizmann oo kulanka kaddib la hadlay beIN Sports ayaa yidhi “Garoonka lamaanu haysan, dabeecad ah in garoonku aamusan yahay ayaanu baranay, waanu ogayn inay adkaan doonto”

Goolka furitaanka ee Hungary ayaa ahaa mid kamida goolashii ugu sawaxanka dheeraa ee ay jamaahiirtu u dabaaldegaan tan iyo March 2020 markii hakadka uu caabuqa Korona Fayras galiyay daawashada ciyaaraha ee garoomada.

Goolkaas ayaa ahaa mid layaab ku noqday xulka kusoo guuleystay koobka aduunka oo sidoo kale hadda loo arko kuwa ugu cad cad ee ku guuleysan doona Euro 2020.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More