“Waxaan Xiisaynayaa Inaan La Ciyaaro…” – Saxeexa Arsenal Ee Sambi

Saxeexa cusub ee kooxda Arsenal ee Albert Sambi Lokonga ayaa shaaca ka qaaday in garabka weerar ee kooxdiisa ee Nicolas Pepe uu yahay xiddiga uu inta ugu badan ku faraxsan yahay inuu la ciyaaro.

Lokonga ayaa Gunners heshiis 17 Milyan oo pound ah ugaga yimid dhinaca Anderlecht waxaana uu kulankiisii ugu horreeyay u ciyaaray Arbacadii markaas oo ay saaxiibtinimo xerada tababarka ee Colney guul kaga gaadheen Watford.

Lokonga ayaa sheegay inuu xiisaynayo inay garoonka ku wada xidhiidhaan xiddigo ay kamid yihiin Bukayo Saka, Alexandre Lacazette iyo Pierre Emerick Aubameyang balse uu aad u xiisaynayo Pepe.

Mar la weydiiyay xiddiga uu u riyaaqsan yahay la ciyaaristiisa ayuu Albert Sambi ugu jawaabay Website-ka rasmiga ah ee Arsenal “Waxaan filayaa Pepe”

“Laakiin waxaan sidoo kale eegayaa la ciyaarista Aubameyang, Lacazette, Saka sidoo kale, sidaas darteed waxaan rajaynayaa inaan xidhiidh la yeesho dhammaan ciyaartoyda si dhakhso ah”

Dhinaca kale 21 sano jirka ree Belgium ayaa sheegay in xiddigaha uu ku dayan jiray carruurnimadiisii ay ahaayeen halyeeyada Barcelona ee Xavi Hernandez, Andres Iniesta iyo Sergio Busquets, sidoo kale Marco Verrati iyo Luka Modric oo PSG iyo Real Madrid ka kala tirsan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More