“Waxaad U Baahan Tahay Weeraryahan Kuu Dhalin Kara 20+ Gool”

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal William Gallas ayaa ka hadlay raadinta Arsenal ee weeraryahan cusub.

William Gallas oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waan ogahay in Arsenal ay dooneyso weeraryahan, xaqiiqdiina way u baahan yihiin mid maadaama ay u baahan yihiin wax ka duwan Gabriel Jesus, waxaan jeclahay Ollie Watkins oo ka tirsan Aston Villa”.

“Waxan u malaynayaa in uu ku fiican yahay Arsenal, waxa uu riixi karaa daafacyada waxana uu miiska soo saari kara wax ka duwan waxa uu sameeyo Jesus, waa ciyaaryahan aad doonaysid in aad ka ciyaarsiiso weerarka wuuna orod badan yahay”.

“Ciyaaryahanka isaga oo kale ah wuxuu u fiicnaan lahaa Arsenal, gaar ahaan haddii uu ka garab ciyaaro xiddig kale”.

“Jesus waa uu dhaawacmay xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxaad u baahan tahay weeraryahan kuu dhalin kara ilaa 20 gool iyo wax ka badan”.

“Jesus ayaa soo bandhigay xilli ciyaareed aan joogto u fiicnayn waxana uu ugu dambayntii booskiisa u waayay Havertz.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More