“Ma Diidi Doono In Aan Ku Biiro Liverpool” Xiddig Ka Ciyaara Premier League Oo Afka Furtay.

Daafaca dhexe ee Nottingham Forest Murillo ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu ka tago kooxda kuna biiro mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Premier League — Man City, Arsenal ama Liverpool.

- Advertisement -

22-jirka ayaa yiri, sida laga soo xigtay Evening Standard: “Waxaan ku riyooday inaan ka ciyaaro Premier League, waxaana lahaa fikirkaas. Waxaan u maleynayay: ‘Waxaan aadi doonaa Nottingham Forest, sanad wanaagsan ayaan yeelan doonaa dibna waxaan aadi doonaa koox weyn’. Taas madaxayga ayaa ku jirtay.”

“Waxaan dooran lahaa Manchester City, laakiin way igu adkaan doontaa inaan si joogta ah ugu ciyaaro marka la eego ciyaartoyda ay ku leeyihiin kooxdooda,” Murillo ayaa sidaas yidhi.

“Waxaa jira City, Arsenal sidoo kale, kuwaas oo u dagaalamaya horyaalka Premier League. Sidoo kale ma diidayo Liverpool, waxay ii ahaan lahayd fursad fiican inaan kubadayda ku muujiyo koox wayn.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More