Waa Kuma Xiddiga Aadka Muhiimka Ugu Ah Liverpool

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayuu kasoo yeedhay war ay ku farxeen jamaahiirta kooxdiisu oo ah inuu tababarka kusoo laabtay kahor toddobaad muhiim ah oo ay kahor tagayaan kooxaha Arsenal iyo Real Madrid.

Xiddiga heer caalami ee xulka qaranka Brazil oo ay kooxda ku wada negaadeen asxaabtiisa Alisson Becker iyo Fabinho maadaama sababta Korona Fayras dib loogu dhigay kulamada isreeb-reebka koobka aduunka ee South America ayaa seegay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxdiisa.

Si kastaba, weeraryahanka ayaa sawir lagaga soo qaaday isaga oo xerada AXA Training Center tababar kula qaadanaya inta kale ee xiddigaha kooxdiisa shalay oo Isniin ahayd.

Da’yarka daafaca midig ee Trent Alexander Arnold oo sidoo kale laga reebay liiska xiddigaha xulka qaranka England ee kulamada isreeb-reebka koobka aduunka ciyaaraya ayaa isaguna ka qayb qaatay tababarka.

Sidoo kale waxa ku lug lahaa ciyaaryahano kale oo muhiim u ah Liverpool oo aan hadda waajibaadkooda qaran ku lug lahayn waxaana ay kala ahaayeen Alexo Oxlade Chamberlain, James Milner, Naby Keita, Adrian, Nat Phillips iyo Ben Davies.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sidoo kale xiddigo da’yar ah uga wacay akaademiga si uu ugu buuxiyo tirada xiddigaha tababarka qaadanaya.

Reds ayaa ugu horreyba Sabtida marti ku ah gegida Emirates Stadium oo ay Arsenal ku booqanayaan kaddib waxa ay u duuli doonaan magaalada Madrid oo ay kula soo ciyaarayaan Real Madrid kulan Champions League ah Salaasada dambe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More