Varane Qaata Oo Keena…. – Real Madrid Oo Ciyaaryahan Baxsad Ka Ah

Sida ay sheegayaan xogihii ugu dambeeyay ee laga helayo saxaafada England, kooxda Real Madrid ayaa doonaysa inay qaab amaah ah ku qaadato khadka dhexe ee Manchester United ee Donny Van De Beek oo ay ku darto qoddobkaas heshiiska Raphael Varane.

Bishii April ayay ahayd markii wargeyska Sportsmail uu shaaca ka qaaday in Man United ay doonayso inay Varane kala soo wareegto Real Madrid iyaga oo dhiirigelin ka helaya rabitaankiisa ah inuu baxo iyo in heshiiskiisu sanadka dambe ee 2022 dhacayo.

Varane ayaa haatan u furan inuu ka xaajoodo fursada uu kaga bixi karo Santiago Bernabeu kaddib markii xulkiisa France ay kasoo hadheen loolanka Euro 2020.

Dhinaca kale Van De Beek ayaa xilli ciyaareedkiisii koowaad kusoo dhibtooday Man United kaddib markii uu heshiis 40 Milyan oo pound ah dhinaca Ajax ugaga yimid.

Donny ayaan wax fursad ah oo badan ka helin tababare Ole Gunnar Solskjaer kaas oo inta badan ka horreysiinayay Fred, McTominay, Pogba, Fernandes iyo Nemanja Matic.

Sida uu sheegayo hadda wargeyska The Sun ee fadhiisinkiisu yahay carriga England, Los Blancos ayaa doonaya inay heshiiska Varane ku daraan amaah ah ku qaataan Van De Beek isla markaana ay iibsadaan xilli ciyaareedka dambe marka heshiiskiisa amaahda ahi dhaco.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More