TOP 10: Tobanka Weeraryahan Ee Ugu Fiican

Alan Shearer ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan abid horyaalka Premier League laakiin xiddigii hore ee Newcastle United waxaa lagu garaacay kaalinta koowaad ee qiimeynta weeraryahanadii ugu fiicnaa horyaalka iyadoo uu booska 1aad galay Thierry Henry.

Rikoodhka gooldhalinta Premier League ee Alan Shearer ee 260 gool weli wuu taagan yahay iyadoo ay ka soo wareegtay 15 sannadood markii ugu danbeysay ee uu ka ciyaaro horyaalka.

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa ah xiddiga ugu soo dhow xiddigaha haatan garoomada ku jira iyadoo 32 jirkaan uu dhaliyay 181 gool. Kulamada uu Aguero ku gaaray goolashaan ayaa muujinaya inuu jabin lahaa rikoodhka Shearer haddii uu sida Shearer waayihiisa ciyaareed oo dhan ka dheeli lahaa Premier League.

In muddo ah waxaa la hadal hayay haddii Harry Kane uu noqon karo ninka jabiya rikoodhkaan haddii uu sii joogo Spurs laakiin waxaa haatan lala xiriirinayaa kooxda Real Madrid.

Xitaa haddii Kane uu jabiyo rikoodhka kama dhigeyso inuu yahay weeraryahankii ugu fiicnaa ee abid soo maray horyaalka sida ay sheegtay majalada FourFourTwo.

Waxay soo saareen liiska 10ka weeraryahan ee ugu fiican taariikhda Premier League iyagoo ku qiimeeyay goolasha, koobabka iyo guud ahaan tayada ciyaaryahanka, waxaana u soo sarre maray Thierry Henry.

10. Ian Wright – Arsenal/West Ham – Kulamada: 213 Goolasha: 113

9. Ruud van Nistelrooy – Manchester United – Kulamada: 150 Goolasha: 95

8. Didier Drogba – Chelsea – Kulamada: 254 goolasha: 104

7. Luis Suarez – Liverpool – Kulamada: 110 Goolasha: 69

6. Dennis Bergkamp – Arsenal – Kulamada: 315 Goolasha: 87

5. Wayne Rooney – Everton/Manchester United – Kulamada: 482 Goolasha: 208

4. Eric Cantona – Leeds United/Manchester United – Kulamada: 156 Goolasha: 70

3. Sergio Aguero – Manchester City – Kulamada: 271 Goolasha: 181

2. Alan Shearer – Blackburn Rovers/Newcastle United – Kulamada: 441 Goolasha: 260

1. Thierry Henry – Arsenal – Kulamada: 258 Goolasha: 175

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More